Iskarogooyin Fara Baas Ku Haya Ciidda Dooxa Biyaha Hargeya Laga Soo Dhaamiyo Iyo Khatarta Dhalan karta

29
3151

 

Hargeysa (Geeska)- Sannadihii u dambeeyey waxaa si xawli ah u fidaysa magaalada caasimadda ah ee Hargeysa oo dadka ku nool ee in ay Hal Milyan kor u dhaafeen lagu qiyaasana tiradoodu kor u sii socoto, taasi waxa ay abuurtay xaalad biyo yaraaneed, kaddib markii uu magaalada wada waraabin kari waayey nidaamkii waraabka qasabaha oo ahaa mid kooban oo dawladdii milaterigu hirgelisay, dawladihii ka dambeeyey ee soo maray intii Somaliland lagu dhawaaqayna ay ku fashilmeen in ay horumariyaan ama raadiyaan habab kale oo lagu waraabiyo caasimadda.

Biyo la’aanta magaalada waxaa si aad ah u qaboojiyey booyado muwaadiniin madaxbannaani leeyihiin oo ka ganacsada biyaha ay ka soo qaadaan deegaannada ku teedsan woqooyiga, bariga iyo galbeedka magaalada ee leh ceeldheerta biyaha laga helo.

Meelaha magaalada looga soo dhaamiyana waxaa ugu badan ceelasha ku yaalla dooxa Dararweyne oo qiyaas 30 kiiloomitir ah dhinaca woqooyi-bari ka xigta magaalada. Dooxan biyaha macaan leh, waxa uu suurtageliyey in uu waraabiyo tobannaan kun oo ka mid ah dadka Hargeysa ee biyaha ka iibsada booyadaha. Laakiin nasiibdarro toddobaadadii u dambeeyey waxaa dooxaas soo foodsaartay khatar haddii aanay hay’adaha dawladda ee ku shaqada lihi dhaqso wax uga qaban sababi karta in biyaha ceelashani ay wasakhoobaan iyo in ceelashu gudhaan ama biyo-yareeyaan labadaba.

Tobannaan gawaadhida iskarogooyinka ah ee ciidda niista loo yaqaanno u soo qaada dhismayaasha tirada badan ee ka socda caasimadda ayaa bilaabay in ay dooxan ka gurtaan ciiddan. Geeska Afrika ayaa ay u suurtagashay in uu sawirro ka soo qaado iskarogooyinkan oo isugu jira kuwo ay ka muuqato calaamado shirkado dhismaha ka shaqeeya iyo kuwo aan sumad gaar ah lahaynba.

Haddii aan laga joojin falkan waxa ay taasi mustaqbalka keeni kartaa dhibaato sii cuslaysa biyo la’aanta imikaba magaalada Hargeysa ka jirta ama in ay wasakhoobaan biyaha Dararweyne oo aanay imikaba daryeelkii caafimaad ee waajibka ahaa siinin hay’adaha dawladda ee xilku ka saaran yahay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here