Iskaashatada Basaska Waaweyn Oo Cabasho Ka Muujiyey Jidad Ay D/Hoose Ku Wareejisay Bas Caasiga

0
540

Picture3Hargeysa(Geeska):-Ganacsatada basaska waaweyn ee magaalada Hargeysa, ayaa cabasho xoog ah ka muujiyey basaska yar yar ee iyaguna ka ganacsada magaalada gudaheeda, kuwaasi oo ay sheegeen in ay ku soo xad gudbeen dariiqyadii iyo waddooyinkii ay hore uga rakaabsan jireen gaadiidka basaska waaweyn ee caasimada Hargeysa, waxaana ay mas’uuliyada arrintaasi ay dusha ka saareen in dabada ka riixayso dawlada hoose ee Hargeysa, iyaga oo sheegay in dawlada hoose ay si sharci darro ah ugu wareejisay waddooyin ay dadka rakaabka ah ka soo qaadi jireen basaska waaweyn ee Hargeysa.

Guddoomiyaha ururka iskaashatada basaska waaweyn ee City Bus, iyo sida oo kale qaar ka mid ah xubnaha ururkaasi, ayaa hadalkan ku sheegay mar ay maanta qaar ka mid ah warbaahinta kula hadlayeen gudaha magaalada Hargeysa, waxaana ay carabka ku dhufteen in ay si xoog ah uga baqayaan in isku dhac aad u weyni uu ka yimaado basaska waaweyn iyo kuwa yar yar oo hada isku jid maraya.

Guddoomiyaha ururka iskaashatada basaska City Bus Md.Xuseen Axmed Maxamuud Oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay, ayaa faah faahin ka bixyey waxyaabaha ay ka cabanayaan, isaga oo farta ku fiiqay in mushkiladan oo dhan dabada ka riixayso dawlada hoose ee Hargeysa.

"Waxaa aan ka cabanaynaa mashaakil ay dawlada hoose abuurtay oo annaga iyo caasiyada yar yar ee magaalada ka dhex shaqeeya ay ka abuurtay, waxa weeye wadan cusub ee dhex marta wada Gol-janno ayey marna iyaga u xukumayaan oo annaga dhexdeyadii ah oo xuduud ayaanu kala leenahay annaga iyo basaska yar yari, waxa weeye wadada sheekh Madar ayaa noo xuduud ah bal ka waran marka ay illaa iyo xisbiga u xukumeen, waxa weeyaan basaskii waaweynaa waa ay xanaaqeen oo waxaa ay leeyihin maxaa ay waddooyinkayaga ay baabuurtan yar yari u maraysaa, sababtu waxa weeyaan wada cabbaaye waa ay ka soo talaabayaan, wada Idaacadana waa ay soo dhaafayaan waliba ta Xero Awrna waa ay soo marayaan, kolkaa intaas oo waddo marka ay u soo talaabaan, dee basaskii waaweynaa waa ay xanaaqeen oo waxa ay leeyihiin maxaa noo keenay basaska yar yar?. Markii saaka loo xukumay dee shaqadii ayaa ay saakaba bilaabeen, waxaana aan ka baqanaynaa in uu halkaas isku dhac aad u weyni ka yimaado oo maalin horeba kolkii uu isku dhacani iman gaadhay waa la joojiyey shaqadii imikana dawladii hoose ayaa gaadiidkii magaalada joogay ama basaskii waaweynaa iyo kuwii yar yaraa isku garaacaysa oo fad qalale ka dhex wadda, doonaysana in ay mushaakil ka dhex abuurto, taas ayaana aan ka dacwoonaynaa oo aan leenahay waar yaadhaheen mushkiladan aad wadaan ma doonaynee qolo walba halkeedii ay ka shaqayn jirtay, ha loo daayo oo ha ka shaqayso mushkiladu waa intaas.".Ayuu yidhi Xuseen Axmed.

Md. Xuseen Axmed Maxamuud oo sida oo kale hadalkiisa wii wata, ayaa waxaa uu sheegay in arrintan ay kala hadleen mas’uuliyiin dawlada hoose balse ay noqotay mid aanay waxba ka qaban."Arrintan si gaar ah waanu kala hadalnay dawlada hoose, xoghayaha waanu kala hadalnay, maayirkii inta aanu tagin Yurub waanu kala sii hadalnay, wax Allaale iyo waxii oo dhamiba hal bacaad lagu lisay ayey noqdeen, wax Allaale iyo wax ay ka qabteena ma jirto iyagii ayey la safan yihiin uun oo ay raacsan yihiin.".

Guddoomiyaha ururka basaska City Bus Md.Xusseen Axmed Maxamuud, waxaa uu sida oo kale sheegay in ay si xooga uga baqayaan in isku dhac aad u weyni uu dhex maro ganacsatada basaska waaweyn iyo kuwa yar yar."Arrinta hada noo taala waxa weeyaan oo aanu ka baqaynaa in uu yimaado isku dhaca laftiisii, basaskii waaweynaana Cabaaye ayey ka soo bilaabayaan illaa iyo halkan xisbiga oo awalba way iman jireen kuwa Kilalka ka shaqaynayaa, laakiin Illaa Laba boqol oo Gaadhi ayaanu gayn doona haddii Illaahay yidhaahdo, isku dhac ha yimaado, waana la'is dili doona, wax Alle iyo waxaasna waxaa mas'uuliyadeeda qaadanaya nimankii u soo xukumay warqada ee dawlada Hoose."Md.Xuseen Axmed Waxaa kale oo uu baaq u diray xukuumada iyo dhamaanba cida kale ee ay khusaysa in ay sida ugu dhakhsiyaha badan ay arrintan u soo dhex galaan, sida oo kalena in illaa inta xal waara laga soo saarayo la ha’kiyo go’aanka basaska yar yar loogu ogalaaday in ka agrakaabsadaan basaska waaweyn.

"Xukuumada iyo hay'addaha amniga waxaa aan dhamaantoodba u soo jeedinaynaa arrintaas in ay soo dhex galaan oo inta aanay dhib ka weyni aanay dhicin, waxaa aan codsanaynaa in shaqadaas la hakiyo, waxaa la yidhi xadhig habeenimo ninkii xidhay ayaa fura, waxa weeyaan ninkii Maayirka ahaa ee markii hore arrintan furay isaga ayaa fardaamin doona, arrintaana in isagii la'la sugo ayaan doonaynaa oo la xayiro, haddii sidaasi dhici weydo wax Alle iyo waxii ka yimaada dawlada hoose ayaa leh.".Ayuu yidhi guddoomiyaha basaska waaweyn ee Hargeysa.

Maxamed Jaamac Cabdilaahi oo ka mid ah xubnaha ururka iskaashatada basaska waaweyn ee Hargeysa oo halkaasi isna ka hadlay, ayaa waxaa uu sheegay in dawlada hoose ee Hargeysa ay khilaaf iyo iska horkeen ka dhex waddo gaadidlayda basaska waaweyn iyo kuwa yar yar, isaga oo sida oo kalena tibaaxay in jidadka ay hada maraan basaska waaweyn ama ay ka rakaabsadaan hore ay dawladii hoose ee ka horeysay si sharciga waafaqsan ay ugu xukuntay basaska waaweyn ee Hargeysa.

"Waxaana aan ahay xubin ka tirsan basaska waaweyn ee City Bus, waxa aan ka hadlayaa arrin baryahan danbe si aada noogu soo badanaayey, arrinkaas oo dawlada hoose dhibaatadiisa iyo abaabulkiisaba ay halkaas waxii ka yimaada ay shaqo ku leedahay, taas oo basaski waaweynaa iyo kuwii yar yaraaba goob la isagu kaayo keenay oo ay ahayd in ganacsigu uu kala lahaado dariiq iyo waliba sharci aan kala lahayn, waxaana kala xadayntaas hore noo kala dhigay Maayiradii hore iyo xildhibaanadii kuwan ka horeeyey. Haddaba iyada oo nidaamkaas oo dhamiba ay hore u jireen ayaa laga qaatay nimankaas basaska yar yar hawl ay iyagu qorshahooda leeyihiin, dawlada hoose ay qaadatay, nidaamkaas markii aanu Maayirka kala kulanay uu ha'kiyey oo sida oo kale illaa taliska qaybta nabad galyada ee barigu ay hakiyeen, se uu hada xoghayaha dawlada hoose arrinkaas faraha ku qaatay, arrinkiina uu mar labaad dabkiisii shiday, taas oo Labadii gaadiid haddii aanu nahay City Bus ay yar yarkii gaadiidka waday farahayaga ka baxsan yihiin oo maanta amar ay naga qaadanayaanba aanu jirin oo fowdo lagu abuuray awgeed ay faraha ka baxsan yihiin, waxaa aanu u sheegaynaa cid kasta oo ay khusayso maamulka dawlada umadda shacbiga, cidii wax garanaysa ee garaad leh aanu u sheegaynaa in halkaas dhibaatada iyo hadimada ka dhacda ay dawlada Hoose leedahay.".Ayuu yidhi Maxamed Jaamac Cabdilaahi.