Ishii Buktayey Ku Bikaacso Ladiye Maxamed Aadan(Gabaloos)

0
639

Asalaamu-Calaykum Dhamaantiin Waxaan Ugu Horeyn aan Salaamayaa Dhamaan Bulshada kala duwan ee Reer Somaliland gudo iyo dibadba marka xigta waxay mahadi u sugnaatay alla subxaana watacala oo wax kasta inoo surta  galiyey,marka xigta  waxaan Halkan idiin ku soo gudbin doonaa Maqaal ama Qormo aan Halku dhig uga dhigay ishii buktayey ku bikaacso .

1

Markaan Arkay

hanaanka,himilada iyo Higsiga iyo Horumarka Siyaasadeed ee uu ku Talaabsaday Mudooyinkii U Dambeeyey Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani iyo sidoo kale Hanashada Quluubta Siyaasiyiin Saamayn weyn ku lahaa Saaxada Siyaasada Somaliland iyo Guud ahaanba Geeska Africa iyo Taageerayaal Mug iyo Miisaanleh oo isbadaldoon ah ku waasi oo  go’aansadey inay garab istaagan isla markaasina Taageero Baaxadleh u muujiyaan xisbi waynaha Waddani kaas oo ka turjumaya midnimada iyo qaranimada iyo Masayrka Mustaqbal ee u Maddan reer Somaliland leedahay. kaasi oo Xaqiiq ku dhisan Talo-Wadaag, isku-Tanaasul iyo Tudhaale.

markay arkeen badiba shacbi waynuhu inaanu kasoo bixin xisbiga talada dalka haya ee kulmiye midnimadii, dumuquradiyadii iyo qaranimadii somaliland waxa la go’aansaday in la aasaaso xisbi ku dhisan dumuquradiyad, Cadaalad, Sinaan,iyo midnimo qaran

oo waxgarada iyo waayel iyo dhalinyaro , aqoonyahan iyo  haweenba leh garab istagen xisbiga waddani. taasi oo aan aaminsanahay in la Mahadindoono lagana dheefidoono Waxtarkii laga waayay Xukuumada Talada Dalka Haysa  iyo Xisbigeeda Kulmiye.

waxay u muuqataa in somaliland maanta ugu horayso xisbi midha dhal buuxa laga heli karo oo u dhashay dalka iyo umada reer somaliland-ba uuna yahay Xisbiga Waddani kaasi oo Hada lawada Hantiyey Haaneedka Hiigsiga Siyaasadeed meelna iskugu keenay xubnihii ugu culusaa saaxadda siyaasadda Somaliland iyo sidoo kale Bahweyntii isbadaldoonka ku waasi oo markay arkeen in xisbiga waddani  yahay xisbiga kaliya ee noolayn kara rajada , himilada iyo  hiigsiga somaliland aynu Markhaati ka nahay inay dhawaan ku soo wada Biyo Shubteen iyaga iyo Taageerayaashoodiiba, waxan leeyey umada reer somaliland ilayska waddani ee baxaya waa ilayski daari laha somaliland gabi ahaanteedba

xukumada dalka haysa ee kulmiye waxay noqotay xukumad lagu hungoobay oo lagu qasaaray oo wax tarkeedu aad iyo aad u liito waxa ilaahay inoo dhaliyey xisbiga  waddani ee ku dhisan mabaadida aan kor ku  xusay waxaan leeyey intii ka hadha wadani waa inta jecel in qaranimada somaliland dhaawaca iyo burburkeeda jecel waxaan kaga baxayaa qoraalkayga hadba halkii la hubo ee hubsiimo taalo ayaa loo hub guranaya

Allah-Mahadleh