Golaha Guurtida Somaliland oo muddo kordhin u sameeyey Xukuumaddihii taladda dalka u kala dambeeyey marka laga reebo Xukuumaddii ugu horeeysay Somaliland ee uu Madaxweynaha ka ahaa ALLE ha u naxariiste Cabdiraxmaan Axmed Cali madaxweyne-xigeena uu ka ahaa Xasan Ciise Jaamac, ayaa waxa inta badan muddo kordhinta ka dhalan jiray khilaaf Siyaasadeed oo u dhexeeya Axsaabta Mucaaradka iyo Xukuumadda.
Haddaba haddii aynu soo qaadano labadii muddo kordhineed ee u dambayey ee ay Guurtidu u sameeysay Xukuumaddii Daahir Rayaale Kaahin iyo Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), mid walba waxay leedahay marxalad gaar u ah.
Haddii aynu ku horeyno muddo kordhintii Daahir Rayaale waxa codka siiyey oo ogolaaday 42-muddane oo ka tirsan Golaha Guurtida, halka 35-Muddane ay iyana diideen muddo kordhintaas. Waxa kale oo xusid mudan in Saddexda Xisbi ee wakhtigaas oo kala ahaa Xisbigii UDUB, oo uu Guddoomiye ka ahaa Daahir Rayaale Kaahin, Xisbiga UCID oo uu Guddoomiye ka ahaa Faysal Cali Waraabe iyo Xisbiga Kulmiye oo uu Guddoomiye ka ahaa Madaxweynaha hadda taladda dalka haya ee Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), wakhtigaas aad ayey labada Xisbi Mucaarad u dhaliileen ugana soo hor jeesteen muddo kordhintii ay Guurtidu u sameeysay Xukuumaddii Daahir Rayaale, gaar ahaan Madaxweyne Siillaanyo si adag ayuu u diiday waxaanu ku tilmaamay sharci daro tahay, dastuurkiina la jabiyey, iyada oo walibana Saddexda Xisbina isku afkaar iyo isku go’aan aanay noqon.
Dhanka kale marka aynu u nimaadno muddo kordhinta ay dhawaan u sameeysay Guurtidu Xukuumaddan, waxa ka dhashay khilaaf siyaasadeed, canbaarayn iyo dhaliilo joogto ah, Saddexda Xisbi Qaran ee Kulmiye, UCID iyo Waddani isku mawqif ayey ka noqdeen dib u dhaca Doorashada. Waxa ay isla qaateen go’aanka ay Komishanku ka soo saareen Doorashooyinka iyo wakhtiga ay u cayimeen, balse Golaha Guurtida ayaa iyadu arintaas sharci daro ku tilmaantay, waxa ay kulamo gooni gooniya la yeelatay Saddexda Xisbi, Xisbi walibana waxa uu u gudbiyey mawqifka uu ka qabo Doorashada iyo muddo kordhinta, balse Golaha Guurtidu waxa ay cod u qaadeen muddo kordhinta, oo waxa ay Xukuumadda iyo Wakiilada u kordhiyeen muddo kordhin ka hor imanaya wakhtigii ay Komishanku u cayimeen Doorashada, waxaana ay ka dhigeen 18-bilood, waxa muddo kordhintaas diiday oo sharci daro ku tilmaamay afar Xildhibaan oo Guurtida ka mid ah, halka Xukuumaddii Daahir Rayaale 35-Xildhibaan diiday, balse Laba Xildhibaan oo ka mid ah Afartan Xildhibaan ee diiday muddo kordhinta oo kala ah Xidhibaan Xasan Gacan iyo Xidhibaan Maxamed Wali, oo iyagu si cad u sheegay in muddo kordhintu sharci daro ahayd, meelna aanay kaga jirin Dastuurka, oo lagu deg degay, ayaa Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan Guddida joogta ah ee Golaha waxa uu u gudbiyey anshax marin ka dhan ah Labadan Xildhibaan, halka Xukuumaddii Daahir Rayaale 35-xildhibaan ee diiday aan la marin wax anshax marin ah.
Haddaba, iyada oo Golaha Guurtidu ay galeen fasax dhan laba bilood iyadoo xaalku sidaas yahay, ayaa Guddoomiyaha Golaha Guurtidu Saleebaan Maxamuud Aadan uu ku adkaystay muddo kordhinta ay sameeyeen, waxaanu sheegay inay sharci ahayd, oo sinaba looga noqon doonin. Waxaana muddo ka dib la eegi doonaa dhinaca la isugu lugo du’do taas oo noqon doonta in muddo kordhina guurtida la laalo iyo in heshiiska xisbiyada meesha laga saaro.