“Inta Iimaanku Sii Qoyan-Yahay Waxaan Leeyahay, Yaanu Gurmadku Xanuun Jabiye Innaga Noqonin..” Sheekh Aadan Siiro

0
589

Hargeysa (Geeska)- Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa Khudbaddii Jimcaha ee Shalay kaga hadlay Dhibaatooyinka Dalka ka jira, kuwaasi oo uu sheegay inay ugu horeeyaan Musuqmaasuq iyo Maamul-xumo.

1

Sheekh Aadan-Siiro waxa uu sheegay in Ducada ILAAHAY wax lagu waydiisanayaa Shuruud leedahay, taasi oo ah In marka hore uu Qofka uu ILAAHAY u noqdo oo uu  dambi-dhaaf ka dalbo, “Ducadu Shuruud bay leedahay ah in ILAAHAY loo noqdo. Markaynu kibirnay ee aynu ka badbadinay, Nabadgalyada Macnaheeda aynu garan waynay, ayaa waxay gaadhay in Xashiishadda oo Maskaxda Qofka iyo Xusuusta Abbaarta, ayaa Carruurteenii lagaga iibinayaa Shan boqol oo shilin. Miyaad is-leedahay Khamriga waxa Magaalada soo geliya oo fududeeya in koonayaasha Magaalada laga soo geliyo Dad Awood ku leh Dalka, innaga oo soo wada taagan Wadaad Gadh leh iyo mid aan lahayn, mid Lacag haysta iyo mid derajo sheeganaya. Haddii Ummad ay ku badato Xumaato waxa kor loo qaadaa Biyaha, oo waxa bata Abaaraha iyo inkaaraha. Qof lacag haysta oo Jaarkiisu bakhtiyayo Salaaddiisa waalla aqbalayaa, laakiin Macnaheeda muu fahmin.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray in Xaafado Hargeysa ay ku nool Boqollaal Qoys oo gurmad iyo taageero u baahan si ILAAHAY inoogu naxariisto, “Xaafadda State-house-ka ee Hargeysa waxa ku nool Afar boqol oo Qoys oo soo ootay, oo qaar laxaad la’ ay ku jiraan, oo boqollaal Waalina ay ku jiraan, oo Buulasha ay ku jiraan ay yihiin Mitir laba Jibbaaran.”

Sheekhu waxa kale oo uu ka hadlay sida Islaamku u nidaamiyey Nolosha Dadka, “Islaamku wuxuu soo qaddimay Nidaam isku dhafan oo ka hor-tagaya Aafaadka jira, wuxuu islaamku keenay in Ilmuhu markuu dhasho Mushaharka loo qoro, macnaheedu waxa weeyaan oo Taariikhda ku sugan iyadoo Dadku xoolo dhaqato yihiin ayaa loo habeeyay wixii yaraa ee loo hayey.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey, “Dalkaa haddaynu u dhiibno 11 Qof oo aynu isla garanayno oo aynu ka deyno Nidaamka aynu u fikireyno ee ah yaa ugu hadal badan, yaa Dadka booba, yaa Maslaxaddeyda wada, waxaan idiin sheegayaa in Dadku Doollarka wada karsan lahaayeen, laakiin Cilladda ina haysataa waa Musuqmaasuq iyo Maamul-xumo, inta labadaasi jiraan ee Kooxi isticmaalayso in Hargeysa ku filan, inta aynu u taagan nahay wixii Dhul Dadka ka dhexeeyay Kooxi qaadato (Dhibaatadu way jiraysaa)”

Sheekhu waxa kale oo uu khudbaddiisa ku soo qaaday Dugsiga Sheekh ee badhtamaha Hargeysa, kaasi oo uu sheegay in Maalinta Dhul dheeraad ah oo Dugsiga ka mid ah la baloodheeyo, “Bal orda  oo Sheekh Bashiir taga, Maalintii hore Lix Mitir baa la bilaabay, Cidna ma dhaqaaqin, haddana Lix Mitir oo kale ayaa lagu daray, haddana lix kale ayaa lagu daray, Maanta Wareeggii kale ayuu marayaa (Dhismuhu). Dhulkaa Sheekh Bashiir ku yaalla inta ka soo horjeedda Mitirka laba Jibbaaran wuxuu marayaa 11 Kun oo Doollar. Guriga yar oo ka soo horjeeda intaa Maanta la Xaynaabay waxa loo diiday $ 980.000 doollar.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey in ILAAHAY laga cabsado, “ILAAHAY ha laga yaabo, waar Taladu Laanguruusallo maaha, Tv-yada oo laga hadlo maaha, Ummadda oo la foof-daran habaabiyo maaha, waa in Caqligu shaqeeyo, oo Iimaanku shaqeeyo. Inta iimaanku sii qoyan yahay waxaan leeyahay yaanu Gurmadku Innaga noqonin Xanuun Jabiye”