Indho La’aantu Ma’aha Dhammaadkii Adduunka (3)

0
3829

maxamed haauurnWaxaan doonaynaa in shuruucda wadanka wax laga badalo oo dadka indhaha la’a shaqooyinka ay qaban karayaan kooto loogu xidho, si dadkan ay nolashii dalka ugu qayb qaataan, dalkiina wax badan ma yaaliin ee wax yar baa yaala, xaga dhaqaalaha, xaga wax barashada iyo xaga fursadaha shaqada intaba, lakiin waxaas yar dadka naafada ah qaybtoodii kama helaan khaasatan kuwa indhaha la’a, waxaanu ku da’adaalaynaa inay waxaas yar ay intooda ka helaan oo ay ka soo baxaan gurayaha.

Imikadan laftigeeda si shaqsiya, aniga oo aan wadanka degganayan waxa aan ula shaqeeya dugsiga indhoolayaasha ee Doses Of Hop ay taageerto, boragaraamaydaas (Barnaamijyo Software ah) kumbuyutarka lagu isticmaalayo waan geeyay inkasta oo aanay lahayn macalimiintii wax ku tababarilahayd, imikana waxaan doonayaa inaan booqdo. Haddii qorshaha aan doonayo inaan wadanka ku soo dagaa uu ii shaqeeyana hay’ad balaadhan oo arintan u khaas ah ayaan wadanka ka samayn doona, waana goob khaas ah, oo dadka oo dhami aanay wada fahmaynin sidii wax loo bari lahaa ee loo dhiiri galin lahaa, waxaan rabaa in laga shaqeeyo, taasna waxaan rabanaa inay garab socoto in dadka soomaaliyeed guud ahaanba loo sheego fikirka quusta ah ee ay ka qabaan dadka ay dhibtaasu ku timaado inay joojiyaan, nidaamkii dawladnimadana in wax laga beddelo oo nidaam dadka u adeegaya loo sameeyo.

Siduu maxamed u arkaa in qofka loogu yeedho iin uu leeyahay sida indho la’aanta:

Horta shaqsiyan anigaaba isugu yeedha Maxamed indhoole, lakiin taas macnaheedu maaha in aanay arintaasu khalad ahayn, khalad waa ay tahay, waayo dad badan ayaan ogalayn in dhaawaca jidhkooda ka muuqda loogu yeedho, markaas in laga daayo oo qofka magaciisa loogu yeedho ayaa sax ah, anigase shaqsiyan dareen dhiba iguma hayso, lakiin waxaan u arkaa arrin khalad ah inay tahay.

Qofkana waxa u muuqanaysa indha la’aantan qof ka ahaysata ama lugo la’anaatiisa ee ma’arkaayo qofka ka shisheeyaba, markaas in karti la yeesho lagu arko in indho la’aantan uu qof ka danbeeyo oo qofkaas uu leeyahay karti uu wax ku qabto oo uu naftiisan wax ku tari karo bulshadiisana wax ugu qaban karo ayaa muhiim ah, intaas la’arkaana waxay u baahan tahay in dad isa soo saaray oo wax bartay la’ helo oo muujiya inay wax qaban karaan, bulshaduna ay la ogolaato inay wax qabsan karaan oo ay dib u dhigista ka daayaan.

Tusaale yar baan ku siinayaa wadanka aan joogo markaan jaamacadda ka imaaddo ee aan tareenka ka soo dego, markaan gurigayga tagaayo tagsibaan qaataa, niman Eeshiyaan ah ayaana inta badan ka shaqaysta, waad isla sheekaysanaysaan oo waxay ku odhanayaan xageed ka timi shandadii ayaad sidataa. “Ma shaqaad ku socotaa mise waxbarsho?” ayey ku waydiinayaan inta badan, lakiin qofka Soomaaliga ah, markaad u timaaddo suurto gal maaha inuu kugu yidhaahdo ma shaqaad ka timi mise waxbarsho? Maxaa yeelay umaba haystaan inaad shaqo ama waxbarasho tegi kartidba.

Markaan  ku jiray boodhinka ee aan wax baranaayay asxaabtayda Soomaalida ah markaan kala raagno waxay igu odhan jireen, “Ma meeshii baad ku maqnayd?” Markaan idhaahdo, “HAA” Haddana waxay igu odhan jireen, “Waar  niyaw meesha miyaa laydinku hayaa?”

Markaas waxa weeyaan fahamkii dadka ayaa u  baahan in kor loo qaado oo la soo gaadhsiiyo heerklaas ah, in sida ay dadka kalaba kaaga filayaan inaad shaqo ama waxbarasho ku maqan tahay inuu qofka Soomaaliga ahina ka filo qofkan inuu waxna baran karo shaqaysanna karo.

Talada uu Maxamed u hayo dadka laxaadka la’:

Horta inta badan dadka indhaha la’ waa dad fariido ah, waana dad aad u maskax badan, micnuhuna maaha in qofku marka uu indhaha la’yahay uu si toos ah fariid isaga noqonaayo ee waxa weeyaan karti qofkan  markiisa hore ku duugnayd ayaa marka uu laxaadkiisa qayb  kamid ah waayo soo baxaysa si uu qofku u yareeyo khasaarahii ay keentay naafo nimadu, nin indho la’buu ahaa ninkii bixiyay maahmaahda ah (doqonbaa indho la’a).

Dadka indhaha la’ intooda magaalooyinka joogta waxaan u soo jeedinayaa inay is waraystaan oo ay ka fakaraan sidii ay ururro bulsho u  samaysan lahaayeen oo dawladda iyo hay’adaha caalamiga ahba taageero iyo qaabkii loo caawin lahaaba ay ku waydiisanayaan, waxaan u  soo jeedin lahaa dadweynaheennana inay dadkaas ay ku caawiyaan waxii ay qabsanayaanba, dadka indhaha la’a ee wadanka dibada kaga maqan ee wax bartayna waxaan u soo jeedinayaa in dadkooda indhaha la’ ay kor ugu soo qaadi lahaayeen.

sababta oo ah ma xaragoon karayaan hadii bulshadii ay ka dhasheen ay aaminsantahay qofka indhaha la’a inuu yahay qof aan waxba qabsan karayn oo liita, si markaas bushada waciygeeda kor loogu soo qaado, dadkii naafada ahaana kor loogu soo qaado oo sida dadka kale ee qayrkood ah looga dhigo, maahana inuu jaaniskan qofku heli karo markuu Yurub tago uun ee, dalal afrikaan ah oo saboola ayaa dadkoodaas indhaha la’a wax bara sida Itoobiyadan inoo dhawba. Markaas anigu waxaan leeyahay arintu maaha qurba tegista iyo gudo joogista oo keliyaata ee waa fahanka dadka indhaha la’ iyo kuwa indhaha leh oo isbedala oo labadooduba ay u arkaan in bahashan indho la’aanta ah laga adkaan karo.

Dhammaad