“Inaynu Nabadgelyadeena Ilaashanaa Waa Inoo Muhiim”Xildhibaan Cabdiqaadir Indho-indho

0
629

Hargeysa (Geeska)-Afhayeenka Golaha Guurtida Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan (Indho-Indho), ayaa ka hadlay muhiimada ay leedahay Nabadgalyadu, waxaanu ku taliyey inay mar walba muhiim tahay in la ilaaliyo nabadgalyada, cid walba oo wax u dhimanaysa gacan lagu qabto.

Afhayeenka Golaha Guurtida Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan (Indho-Indho), oo u waramaya Wargeyska Geeska Afrika ayaa yidhi “Haddii aynu nahay reer Somaliland, waxaynu nahay dal iyo dad madax banaan, inaynu ilaashano qaranimadeena iyo midnimadeenuna waa muhiim, in nabadgalyadeena ilaashano, oo wax walba oo khatar ku ah inaynu ka ilaalinaana waa muhiim. Inaynu mar walba feejignaano, oo gacan ku qabano cid kasta oo amaankeena dhib ku ahna waa muhiim, markaas waxaan Shacabka reer Somaliland ugu baaqaya inay mar walba garab taagnadaan Ciidankooda, oo ay la shaqeeyaan, cid walba oo ay u arkaan inay amaanka khatar ku yihiina ha la soo socodsiiyaan Ciidanka”.

Xildhibaan Indho-indho oo ka hadlaya gurmadka dadka ay abaaruhu hayaan ayaa yidhi “Xaqiiq ahaan waxaan aad ugu bogay qaabka loo ururinayo gurmadka abaaraha, waa qaab aad u qurux badan, oo lacag aad u badan loo ururiyey, aadna waan ugu farxay”.