“Inankan Yar Ee Aniga Ii Soo Hanjabaya Waxaan Leeyahay, Adeer Waxba Ima Yeeli Kartid”

26
3511

Eng:Faysal Cali Waraabe

Hargeysa (Geeska)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee UCID Eng:Faysal Cali Waraabe ayaa ka hadlay hanjabadii ka soo yeedhay Xildhibaan ka tirsan Barlamaanka Puntland, ee ahayd in Faysal Cali Waraabe meel kasta oo uu joogo la khaarajiyo, waxaanu sheegay in Xildhibaankani uu iska hadlay.

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee UCID Eng:Faysal Cali Waraabe oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay qaranimada Somaliland, waxaanu talo iyo baaq u soo jeediyey guud ahaan Shacabka reer Somaliland oo uu ugu baaqay inay qaranimadooda ilaashadan, oo ay ka dheeradan cid kasta oo dhexdooda dhib iyo cadaawad ka dhex wada, waxaanu ugu horeyn uu yidhi “Inankaas yari wuu iska hadlay, muxuu I yeeli karaa, waxba ima yeeli karo, waxbana igama qaadi karo, wuu iska hadlay, waxaanu muujiyey garadkiisa, ee aniga ALLE ayaa qoray wakhtiga aan dhimanayo, wakhtigaygana kama horeeynayo, kama dambaynayo,ee inankan yar ee aniga ii soo hanjabaya waxaan leeyahay adeer waxba ima yeeli kartid, ee naxliga iyo xumaanta iska daa”

Eng: Faysal Cali Waraabe mar uu ka hadlaayey Qaranimada Somaliland ayaa yidhi “Qaranka Somaliland bilaash kumuu iman, oo halgan iyo dadaal dheer baa loo soo maray, marxalado iyo duruufo adag oo kala duwan ayaa loo soo maray,27 sanno ee aanu qaranimadayda dhisanaynay, ee aanu dawladnimadayda dhisaynaynay, ee kolba wixii inagu soo kordha aanu dhexdayada ka xalinayay,Somaliya siday ahayd weynu wada ogsoon nahay, waxaana dhab ah in dadka reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan iyo gobol kasta oo ay joogaan ay yihiin dad isku xaqa, iskuna xuquuq ah, lagamana yaabo in dhexdooda laga faa’iidaysto, balse taladayda ayaa ah reer Somalilandoow  qarankeena ayaa duulimaad lagu yahay ee mar walba ahaada dad isku duuban, oo aan dhexdooda laga faa’iidaysan”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here