In Talefanka Gacanta Laga Galo Facebook Waxa Ay Keentaa Khatar Weyn Oo Caafimaad Darro

0
642

Washington (Geeska)- Waxaa dunida si aad ah ugu sii badanaya tirada dadka sida joogtada ah talefannadooda gacanta uga galo bogagga iyo xisaabaha uga furan Facebook iyaga oo taas ku doorbidaya bogga facebook oo uu talefanka gacantu soo dejin og yahay, iyo meel kasta oo uu qofku joogo oo uu si sahal ah talefankiisa uga geli karo maadaama oo aanu Kombiyuutarka mar kasta sidan ama shidistiisa iyo hawshiisu shaqo kale tahay. Lakaiin dadku waxa aanay weli ku baraarugsanayn khatarta ay leedahay in talefanka gacanta laga galo Facebook.

Cilmibaadhis dhowaan soo baxday ayaa daahfurtay in qofka Facebook ka gala talefanka gacantku ku qasbanaado in uu foorarsado oo luqunta iyo dhabarka leexiyo, taas oo la xaqiijiyey in ay dhaawac muddo gaaban ah iyo mid aan bogsanba ku keento laf-dhabarta. Cilmibaadhistan uu Geeska Afrika turjumay oo lagu baahiyey Joornaalka Surgical Technology International ayaa daahfurtay in madaxa qofku uu caadi ahaan miisaankiisu u dhexeeyo 4.5 illaa 5.5 Kiloggaraab, taas oo u dhigma miisaanka marka aad fadhido, ama taagan tahay ama aad socoto ku dhacaya laf-dhabarta oo kala baxsan, yacni marka aanad madaxa soo foorarin, laakiin marka aad madaxa soo foorariso waxaa laban-laab kordhaya culayskii laf-dhabarta fuulayey, taas oo khatar ku ah caafimaadka laf-dhabarta.

Daraasad kale oo uu baahiyey degelka Huffington Post ayaa iyaduna xaqiijisay in qofka oo madaxiisa hore u foorariya xaqal qiyaasteedu tahay 15 digree, in culayska lafdhabarta kordhayaa uu noqdo 25.12 Kiiloogaraam, haddii foorarsigu sii batana culaysku waa uu sii kordhayaa. Waxaana arrin laga xumaado ah in la ogaaday in foorarsiga qoorta aynu foorarinno marka aynu talefanka gacanta internet ka gaar ahaan bar-kulannada bulshada kaga jirnaa ay gaadho xagal illaa 60 Digrii ah, oo ay keenayso u fiirsiga aynu aad u sii eegayno shaashadda.

Kenneth K. Hansrag oo ah dhakhtar madax ka ah qaybta qalliinnada laf-dhabarta ee xarunta caafimaadka ee qalniinada iyo dib u kabidda iyo habaynta laf-dhabarta, oo ku taalla magaalada New York, isla markaana ah ninka hormuudka u ahaa cilmibaadhistan ayaa sheegay in ku foorarsiga Talefanka gacanta marka laga isticmaalayo bar-kulannada bulshadu aanay keenin dhibta laf-dhabarta oo keliya balse ay sidoo kale khatar ku tahay muruqyada, seeddaha iyo carjowda kala duwan ee laf dhabarta oo ay dhaawac gaadhsiiso.

Ugu dambayntiina waxa uu khabiirku ku taliyey in qofku marka uu talefankiisa ama aaladaha kale ee internet ka laga isticmaalo ku jiro ama si kale u isticmaalayo uu ku dadaalo in dhabarkiisu toosnaado, taas oo ah in labada garab la sinnaadaan batamada oo wax ku qorayo iyo in dhabarku toos u kala baxsanaado, taas oo macnaheedu yahay in aad ku qasban tahay in kora ad u soo qaaddo talefanka si aad si fiican ugu aragto adiga oo aan foorarsan, waana mid ka mid ah sababaha ay shirkadaha talefannada gacanta sameeyaaba ugu dadaalaan in talefanka gacanta samayskiisu fudayd noqdo.