In Ka Badan Laba Kun Oo Xujey Somali Ah Oo Go’aansaday Inaanay Somaliya Ku Noqon

0
609

Picture6Riyad(Geeska/W.Wararka)-Qaar badan oo ka mid ah Soomaalidii sannadkan xajtay ayaa go’aansaday inaanay dalkooda Somaliya dib ugu noqon ee ay ku noolaadaan Sucuudiga.

wargayska Al-watan ee kasoo baxda dalka Sacuudinga ayaa shalay qoray in Xujey Somali ah oo ay tiradoodu tahay 2292 ruux ay go’aansadeen inay ka shaqaystaan Sucuudiga, waxaanay ku doodeen inaanay amni iyo nolol wanaagsan ku haysan dalkooda Somaliya.

Wargeyska oo sheegay inuu la xidhiidhay shirkadaha duulimaadka Somalida, ayaa sheegay inay xujeydani shirkadahan ku wargeliyeen inaanay ku noqonayn wadankooda ay ka yimaadeen, waxaanay dawladda Sucuudiga u direen baaq ay ku doonayaan inay dalkaas ku noolaadaan.

Madaxa arimaha Xujeeyda Soomalida Axmed Luqman oo Jariidada la hadlay ayaa sheegay in warkaasi uu maqlay balse aanu xaqiijin karin sugnaanshihiisa, isagoo sheegay inay sugayaan inta la gaadhayo 15-ka bishan Muxaram oo ah wakhtiga ugu dambeeya ee loo qabtay inuu Xaajiga u dambeeya Sucuudiga ka baxo.