Ilmo 7 Jir Ah Oo Haraad Ugu Geeriyooday Jiidda Ceel-Afweyn

0
521

Ceerigaabo(Geeska)-Ilmo 7 jir ah ayaa toddobaadkan haraad ugu geeriyooday deegaanka Xaniid oo ka tirsan degmada Ceel-afweyn ee gobalka Sanaag, ka dib markii ay jiiddaas ku habsatay abaar iyo biyo la’aan aad u halis ahi.

1

Odayaasha deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in wiilkaas oo 7 jir ahaa uu u geeriyooday haraad, waxaanay dadka deegaanka Ceelafweyn beesha caalamka iyo dawladda Somaliland ka codsadeen in dadkaas lala gaadho gurmad deg deg ah si loo badbaadiyo dadka maatada ah, maadaama oo ay xoolihii ka le’deen.

Xaalad abaareed oo murugo leh ayaa ka taagan deegaanada Huluul, fadhi-gaab, gumbur dhooble iyo Goradhigo oo ka tirsan deegaanka Ceel-afweyn.

Dadka deegaanka ayaa waxay sheegeen inay ka baxeen xoolihii ay haysteen. Tusaale ahaan oday ka mid ah dadka deegaanka ee xoolo dhaqatada ah, ayaa saxaafadda u sheegay inuu bilo ka hor haystay lix tiro oo adhi ah oo ah 600 oo neef, balse uu maanta haysto kontomeeye neef.