“Ilama Aha Inay Shaqaalihii Dawladdu Ololaynayaan, Sharciguna Umuu Fasixin”Wasiirka cadaaladda Somaliland

0
965

Hargeysa (Geeska)-Wasiirka Wasaaradda Cadaalada Axmed Faarax Cadare, ayaa ka hadlay eeddaha Mucaaradka ee ah in Shaqaalihii Dawladdu ku milmeen Siyaasadii, isla markaana ay u ololaynayaan Xisbiga taladda dalka haya ee Kulmiye, waxaanu sheegay in eeddahaasi yihiin qaar waxba kama jiraan ah, waxaanu sheegay in aanu sharcigu u ogolayn.

1

Wasiirka Wasaaradda Cadaalada Axmed Faarax Cadare,oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa isagoo ugu horayn arrintan ka hadlaya cadaaladda wuxuu yidhi   "ILLAAHAY oo qudha ayaa Cadaalad dhamaystiran laga helaa, balse waanu dadaalaynaa, oo Hay'ad Caalamiya ayaa u kuur gashay xaalada Cadaalada Somaliland, oo Gobolada oo dhan ayey soo mareen, oo dadweynaha kala duwan ee ku dhaqan Gobolada dalka ayey su'aalo ku saabsan Cadaalada weydiiyeen, go'aamadii ka soo baxayna waa tii  la soo bandhigay, cadaaladii Somaliland boqolkiiba shan iyo lixdan (65%), ayey korodhay, waana wax ILLAAHAY loogu mahadiyo, ka Wasaarad ahaana waxaanu doonaynaa in aanu mar walba ilaalino cadaalada, kana hor tagno cadaalad darada".

Wasasiirka Cadaalada mar aanu wax ka wweydiinaya sida uu u arko eedaha Mucaaradka ee ah inay Shaqaalihii Dawladdu ku milmeen Siyaasada una ololaynayaan Xisbiga Kulmiye, wuxuu yidhi "Ilama aha inay Shaqaalihii Dawladdu ololaynayaan, sharciguna umuu fasixin, walina Ololihii muu bilaabmin, Komishankuna wali muu fasixin Ololihii".

Wasiirka Cadaalada mar uu ka hadlaayey wada hadalada Somaliland iyo Khatumo ayaa yidhi "Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin markii uu xilka wareejinayey wuxuu yidhi Somaliland oo is haysata aynu iskugu nidaamdno, dagaal iyo xabadina wuxuun bay dilaan, nabad ayaa ka macaan, waa taas oo maanta la iskugu yimid, oo waataas oo Maanta Gobolada Somaliland oo dhan ay ka dhacday Diiwaangelintii, oo Goboladaas Barriga oo aanay Doorashadu waligeed ka dhicin meelo badan oo ka mid ah noqday cudud inoo soo korodhay, oo Shacabkii Goboladaasina ay fahmeen inay dantoodu ku jirto midnimada Somaliland, wada hadaladana inay ku dhammaadaan is afgarad iyo wanaag ayaan ku rajo weynahay, Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), waa Madaxweyne u heelan inuu dadkiisa iyo dalkiisa isku keeno, oo uu mideeyo, oo uu ka dhigo Somaliland oo mid ah, waxaana uga mahadnaqayaa sida uu marar badan gogol nabadeed u fidiyey, ee uu iskugu keenay dadkiisi"