Washington (Geeska)- Marka hore Nobal Prize waa abaal marin caalamiya oo sannad kasta lagu maamuuso dad guddi ka socota dalalka Sweden iyo Norway ay u aqoonsadeen in ay dunida ku soo kordhiyeen faa’ido wax ku ool ah oo la xidhiidha waxbarashada, dhaqan iyo sayniska. Abaal marintan oo ku t imid dardaaran uu ka tegey hal-abuur u dhashay dalka Sweden, oo magaciisa la odhan jiray Alfred Bernhard Nobel waxaa la dhaqan geliyey sannadkii 1895kii, waxa aana markii koowaad oo ahayd sannadkii 1901dii lagu maamuusay culimo ku xeeldheeraa Kimisteriga, Suugaanta, Nabadda, Fiisigiska, iyo daweynta cilminafsiga ah. Abaal-marintan oo loo bixiyey Nobel Prize oo ka kooban magaca saynisyahanka u dambeeya ee Nobel iyo ereyga Afka Ingiriisiga ee Prize oo macnihiisu yahay abaal marin ayaa ah tan ugu caansan looguna jecel yahay dunida oo dhan.
Haddaba sannadkii 1991kii waxaa markii ugu horreysay dunida ku soo kordhay abaal-marin kale oo caalamiya, laakiin gebi ahaanba ka hor imanaysa abaal marinta Nobel Prize. Abaal-marintan cusub waxaa magaceeda loo soo gaabiyaa Ig Nobel Prize, waxa aana lagu canjilayaa laguna yasayaa abaal marinta Nobel Prize. Waa magaca abaal marinta Nobel Prize oo laga horreysiiyey ereyga Ig si ay u noqoto Ig Nobel Prize iyada oo loo ekeysiinayo ereyga Ingiriisiga ah ee Ignoble oo macnihiisu yahay, ‘Liita / xaqiran’ balse aanu haddana la diidayo in afka lagu ballaadhiyo, sidaa awgeed dhawaqa iyo qoraalka wax laga beddelay. Sannad kasta xilliga deyrta ayaa munaasabad ballaan loo qabtaa toban saynisyahan oo dunida daafaheeda laga soo xulay, kuwaas oo sannadkaas sameeyey toban cilmibaadhisood oo lagu gaadhay natiijo saynis ah balse haddana qiimo daran oo aan nolosha waxba ku soo kordhinayn. Haddii aynu si kooban u nidhaahnana waa toban daraasadood oo macno darro ah.
Abaalmarintan ayaa ujeedadeeda lagu sheegay, “Maamuusidda Natiijooyinka marka ugu horreysa dadku ku qoslayaan, kadibna ku qasbaya in ay fikiraan”
Majallad lagu magacaabo Diiwaanka cilmibaadhisaha macno-darrada ah (Annals of Improbable Research) oo qorta waxyaabaha maadayska iyo dacaayadda u eeg ee haddana sayniska ah, oo tifatiraheeda guud ee Marck Abrahams uu guddoomiye u yahay guddida soo xusha tobanka qof ee sannadk kasta la siinayo abaal marintan ayaa xaflad aad u bilan oo loo ekeysiiyey tan amaalmarinta caalamiga ah ee runta ah Nobel Prize u qabata abaal maritna maangaabka cilmiga ah.
Xafladdaas oo lagu casuumo 1200 oo marti-sharaf ah, isla markaana Talefishanno, Idaacado iyo internet-kaba toos dunida oo dhan loogala socdaa waxa ay ku qabsoonta Tiyaatarka weyne ee Sanders oo ay leedahay jaamacadda magaca weyn ee Harvard ee dalka Maraykanka, sidoo kale waxaa raacda munaasabad labaad oo ay guulaystayaashu khudbado cilmiya oo dadka oo dhan u furan ka jeediyaan maxadka Tiknoolajiyadda ee Jaamacadda Massachusetts.
Waxaa xusid mudan in xafladda abaal marintan Ig Nobel Prize ay isku mar dhacaan isla markaana isku saacado socdaan xafladaha abaal marinta Nobel Prize ee caalamiga ah oo ka qabsooma xarunta jaamacadda Cambridge ee dalka Ingiriiska.
Saynisyahannada abaal marintan la siinayo waxaa loo xaadirayaa sida ay daraasadahoodu ugu sii kala liitaan dhinaca macno-darrada iyo xaqiraadda, tusaale ahaan waxaa ugu soo horreeya saynisyahannada sameeyey daraasado aan ujeedo cilmiya iyo macne la fahmi karo lahayn.
Saynisyahanka u dhashay dalka Holland ee Andre Geim oo isir ahaan Ruush ah, sannadkii 2010kana ku guulaystay abaal-marinta Nobel Prize oo uu la wadaagay saynisyahanka kale ee Konstantin Novoselov, kadib markii ay ku mutaysteen tijaabooyin kuwii ugu sarreeyey ah oo ay ku sameeyeen maadadda Graphene, taas oo laga samayn karo qaab cusub oo Kaarboon oo ka xeeldheer kana xoog badan illaa hadda intii hore loo ogaa. Waa aanay guddida abaalmarinta siisay saynisyahan Andre Geim iyo saaxiibkii sheegeen in maadadda Graphene (Jeraafiin) ee ay tijaabiyeen ay ku habboon tahay soo saarista Muraayadaha / Shaashadaha ku shaqeeya taabashada sida kuwa talefannada gacanta iyo talefishannada casriga ah muraayadda looga dhigo iyo aalado kale oo tiknoolajiyadeed. Haddaba waxaa xiise gaar ah leh, in Andre Geim uu noqday saynisyahanka kali ah ee wada helay abaalmarintan Nobel Prize iyo abaal-marinta Maangaabnimada ee Ig Nobel Prize oo iyadana uu qaatay sannadkii 2000, kadib markii walxo bir-labeed oo awood u leh in ay sabbeeyaan uu ka sameeyey rah yar oo birlabaysan.