HYDA Oo Hargeysa Ku Qabtay Shirk U Saabsan Mashruuca Barbaarinta Carruurta

0
577

Hargeysa(Geeska)-Shir lagaga wada hadlaayo sidii toboba iskuul oo laga bilaabay mashruuca barbaarinta caruurtu ay gudiyada waalidiintu u sii horamarin lahaayeen iskuuladaasi laga bilaabay mashruuca barbaarinta caruurta ee magaalada Hargaysa ayaa laga furay huteelka summer time ee magaalada hargaysa 23/04/2017.

Shirkani oo ay soo qaban qaabisay haa’ayada wadaniga ah ee HYDA waxaa ugu horayn ka hadlay agaasimaha fulinta ee HYDA Mudane Khaalid Xaaji Aadan Cabdi Jiilaani isagoo ugu horayn u mahad celiyay ilaahay , waxaa kale oo u mahad celiyay gudiga waalidiinta ee todobada iskuul ee magaalada hargaysa ee mashruucani barbaarinta caruurta laga bilaabay oo kala ahaa 31May , Axmed Dhagax , Maxamed Cali Dayib , Maxamed Mooge , Sheikh Bashiir, Sheikh Cali Ibraahim Iyo Sheikh Yusuf Kaynuun.

Agaasime Khaalid wuxuu sheegay in ay gaadhay wakhtigii ay ka shaqayn lahaayeen sii hore marinta iskuulka maadama uu dhamaanaayo hal sano oo wax kasta laga caawinaayay haday noqoto dhismayaashii 14 fasal ahaa , macalimiinta mushaharkoodii, ardayda waxay wax kubaran lahaayeen iyo dirayskoodii ay xidhan lahaayee iminka uu ubaahan yahay iskuulka kasta iyo caruurta dhiganaysa inaanu xidhmin iskuulku mashruucani dabadii aanay muhiim tahay in laga wada shaqeeyo xukuumada, waalidka iyo HYDA daba sidii uu usii socon lahaa ee aanu ku xidhmin  halkaasi uu maraayo manta ee wax kastaaba ay udhamaystiran yihiin , isagoo hadalkiisii sii wata wuxuu yidhi waxaa ka go,an wasaarada inay masuuliyada buuxda iska saarto sidii ay wadanka oo dhan ugu faafi lahaa barnaamijkaasi ay bilowday HYDA maal galisayna haa’ayada Pharo Foundation oo maalgalinta todobada iskuul bixisay sidaasi darteed waa inaad la timaadaan intaanu mashruucani xidhmin waxii aad kaga qayb qaadan lahaydeen ayuu kusoo gaba gabeeyay agaasime Khaalid Jiilaani.

Waxay guud ahaan isku raaceen in mashruucani barbaarinta caruurta oo ay dhiganayaan 420 arday iskuulkastana ay dhigtaan hada 60 arday  oo da’doodu udhaxayso 4 sano jir ilaa 5 sano jir uu haatan midho dhal yahay sanadkani uu wax wayn ka taray tayadii waxbarasho ee caruurtaasi oo ay ka duwan yihiin caruurihii hore ee loo qaadan jiray fasalka koowaad haatan ay balan qaadayaan inay sii horemariyaan iskuuladaasi , gudidu waxay kalooy balan qaadeen inay waxii tamartooda ah aanay waxba kala hadhi doonin .

Ugu danbayntii waxay u mahad naqeen ilaahay oo iskuuladooda ka soo dhex saaray 60 iskuul oo magaalada hargaysa laga qaaday daraasad iskuulada ku haboon barbaarinta caruurta kadib markay buuxiyeen shuruudihii lagu xidhan , waxaa kaloo u mahad naqeen haa’ayada wadaniga ah ee HYDA shaqaalaheeda iyo madaxdoodaba sidii ay ugu fakireen dadkooda iyo dalkooda ee ay mashruucani ugu faaiideeyeen dadka siiba danyarta ah ee aan karayn iskuuladaasi qaaliga ah, waxay u mahadnaqeen haa’ayada Pharo foundation oo maal galisay mashruucani barbaarinta caruurta oo ay tahay markii ugu horaysay ee laga hir galiyo iskuulada dawliga ee dhamaan gobolada Somaliland ka jira  iyadoo haa’ayado caalamiya iyo kuwa qaramada midoobay midkoodna aanu maal galin iskuul qudha barbaarinta caruurta ah, waxaa kalooy si way ugu mahad celiyeen wasiirka wasaarada waxbarashadaiyo tacliinta sare  Mudane C/laahi Ibraahim Habane oo kala shaqeeyay HYDA intuu hirgalo  mashruucani waxaanu  kusoo gab gaboobay shirkani oo hal maalin socday is af garad iyo in ay balan qaadeen gudiyadii iskuuladu inay la iman doonaan waxay balan qaadeen intaanu dhamaan mashruucu siina wadi doonaa si caruur badani ay uga soo baxaan oo aanu halkaasi  ku ee kaan.