Horta Yaa Ka Masuul Ah Gardaadinta Iyo Korinta Xisbiyada A.A.A.Goodir

0
731

Gardaadinta, korinta xisbiyada iyo kobcinta dimuqraadiyadda la hiigsan rabo, waxa ka masuul ah gudiga diiwaangelinta ururada iyo xisbiyada siyaasiga ah, waxaana ku waajab ah, inay ka badbaadiyaan kooxaha fawda abuurka ah ee ka fallaagoodaba, markay damacooda doorashada ka dhex-waayaan, taasoo ah inaan jaraha loo sii deyn loona arkko shufto sharci iyo nidaam diid ah eek u socota qarda-jeexnimo siyaasadeed oo ku salaysan jaahilnimo indho la’aan ah.

Sidaa awgeed waa inaan marnaba la ogolaan lana soo dhawaysanin, kooxaha garabyada sheegta ee xisbiga ay ka tirsanaayeen ka duda, waxaana xaaraan ah inay durbaan dagaal iyo shirar dad kicin ah oo liddi ku ah nabbed-gelyada iyo xasilloonida, gaadda-ka ciyaarka ku mara jidadka magaalooyinka, taasoo loo arki karo aragti gaabnida amase feejigo la’aanta guddiga diiwaangelinta iyo daba galka dhaqdhaqaaqa xisbiyada, muddada doorashooyinka ka hor, iyagoo kaashanaaya Wasaaradda Arrimaha Amniga Gudaha, si mar kastaba loogu hiiliyo fulinta meel marinta sharciyadda iyo caddaalad wanaagga, looguna soo dabbaalo nidaamka toosan, qab-qablayaasha aafada siyaasadeed, madax martay.