Hooyo Iyo Carruurteedii Oo Ku Dhintay Qarax Muqdisho Ka Dhacay

0
436

Muqdisho (Geeska) – Afhayeenka ciidanka Booliska Dawladda Soomaaliya Cabdifitaax Aadan Xasan, ayaa sheegay in qaraxii Shalay Subax ka dhacay isgoyska Ceel-gaabta ay ku dhinteen ugu yaraan 8 qof oo shacab u badan.

Afhayeenka ciidanka Booliska waxa uu sheegay qaraxa inuu ahaa gaadhi waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo uu la socday naftii hallige isku qarxiyay goobta gaadiidka lagu baadhayay.
Wuxuu afhayeenku sheegay inuu khasaaraha dhimashadu intaas kasii badan karo ayna jiraan 9 dhaawac ah iyo dad kale oo ay eheladoodu la carareen markii uu qaraxu dhacay.
Dadka dhintay waxaa ku jiray hooyo sidatay labo ilmood oo yaryar, kuwaas oo ku basbeelay gaadhi yar oo ay la socdeen. Hooyadu waxay u socotay MCH ku yaalla isgoyska Ceel-gaabta.
Sidoo kale, dadka qaraxa ku geeriyooday waxaa kamid ah Hibaaq Abuukar oo ka tirsaneyd Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, sida uu xaqiijiyay afhayeenka xukuumada Soomaaliya, Macalimow.
‘Waxa loo socdo ma ahan xarun dowladeed, ma ahan askari, waxa halkan ku basbeelay waa hooyo sidatay laba Carruur ah, oo u socotay MCHka dhabarkayga ah,” ayuu yidhi afhayeenka booliiska.

Kooxda Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxan, waxayna sheegeen in ay la beegsadeen saraakiil katirsan dowladda oo ku sugnaa kantaroolka laga galo madaxtooyada Soomaaliya.

 

Geeska.net/Hargeisa Office