Cali Cumar Xasan Guuleed Oo Ka Warramay Taariikhda Oday Maxamed Cabdi Arabey Oo Hargeysa Lagu Aasay

0
430

Hargeysa (Geeska) – Cali Cumar Xasan Guuleed oo ka mid ah Ganacsatada reer Hargeysa, ayaa Shacabka Somaliland ka Tacsiyadeeyay Geerida ku timid Alle ha u naxariistee Maxamed Cabdi Arabey oo Shalay lagu aasay Hargeysa.

Cali Cumar Xasan Guuleed oo aqoon dheer u lahaa Marxuum Maxamed Cabdi Arabey, ayaa ka warramay Qayb ka mid ah Taariikhdii Marxuumkaasi, isagoo sheegay inuu ahaa Mujaahidiintii u badheedhay Halgankii SNM la gashay Dawladdii Maxamed Siyaad Barre.

Cali Cumar Xasan Guuleed oo ka warramaya Taariikhda Marxuumka ayaa yidhi  “Waxaynu joognaa Aaskii Marxuum Maxamed Cabdi Arabay, Ilaahay Naxariistii Janno ha siiyo, wuxuu ahaa Mujaahid, Maalintii la bilaabay SNM ee laga bilaabay London iyo Sucuudi Carabiya, Raggii ugu horreeyay ee aaminay inuu halgankaasi hagaagayo ayuu ahaa. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Mujaahidiinta soo halgantay ee xilka haysayna Maalin keliya Awaamiirta socota kama hor-iman Maxamed Cabdi Arabay. Hargeysa waxa uu Maxamed Cabdi Arabay ka ahaa Rukun, wuxuu ahaa Odayaasha Halganka ka badheedhay, Dawladdii Maxamed Siyaad Barre oo adag oo bandoo lagu jiro aan ka baqanayn.”

Cali waxa kale oo uu sheegay “Maxamed Cabdi Arabey, Maalin ka mid ah Maalmihii la Qaxay ayaa la qabtay, waxa la geeyay Taliska Milletariga, ninkii haystay Taliska ayaa ku yidhi Tukada dhowr iyo labaatan ay ahaayeen waalla idin laynayaaye, markii la galay laba Ragcadood oo sunne ah, Maxamed Cabdi Arabey Nin ku xigay ayuu dhirbaaxay, labadaa Rag Cadood baqasho awgeed u tukan maynee nagu tiri ayuu yidhi, dabadeedna Ninkii Taliska haystay ayaa yaabay oo yidhi ‘Waar maxaad tidhi’, wuxuu ahaa Geesigaa, wuxuu ahaa Nin Hoggaamiye Ummaddan u ah  oo Samo-talis ah..”ayuu yidhi.

 

Geeska.net/Hargeisa Office