Hargeysa (Geeska)- Taariikhda dunidu qarniyadii ay jirtay waxaa soo maray hoggaamiyeyaal iyo madax xilka madaxnimo qabtay iyaga oo aad u da’ yar, laakiin da’daas aadka u yari aanay wax saamayn ah ku yeelan wax-qabadkooda iyo kartidooda hoggaamineed, balse taas beddelkeeda wax qabad taariikhda galay lagu arkay, xukunkooduna madaniga ah iyo ka milateriga ahina dowladihii ay hoggaaminayeen meelo sare gaadhsiiyeen. Marka aynu taariikhda Islaamka eegno waxa aynu tusaale u soo qaadan karnaa Haaruun A-Rashiid oo xukunka qabtay isaga oo 20 gu’ jira kow iyo labaatan sanana hoggaaminayey dowladdii Khilaafadii Cabaasiyiinta, muddadaas oo dhulkii dowladdu ka talinaysay aad u ballaadhay, dadkuna aad uga mahad sheegteen xukunkii iyo nidaamkii maamul ee uu dhisay Khaliifka 20 jirka ahaa.
Waxaa isna xusid mudan Khaliif aas-aasay dowladda Cabbaasiyiinta ee Abu Cabbaas As-Safaax oo dowladdii baaxadda ay yeelatay taariikhda xustay aas-aasay isaga oo 18 sano jir ahaa, waxa aan la illaawi Karin Al-Mucis Li-diinillaah Al-Faadimi oo isna dhisay dowladdii la baxday Khilaafadii Faadimiyiinta isaga oo 21 sano jir ahaa. Muxamed Bin Al-Qaasimi A-Thaqafi ayaa isna hoggaamiyey ciidankii Muslimiinta ee qabsaday dhulkii Sindi la odhan jiray oo ku aaddan dhulka dalka Pakistan, isaga oo markaas da’diisu ay ahayd 18 sano jir. A-Thaqafi in kasta oo uu dhintay isaga oo aad u da’ yar oo ahaa 23 sano, haddana muddadaas uu ciidamada Umawiyiinta hoggaaminayey waxa uu soo hooyey guulo aad u waaweyn oo taariikhda galay.
Marka aynu dib ugu noqonno taariikhdareer galbeedka waxa aynu arkaynaa hoggaamiyeyaal badan oo milateri iyo madax guulo waaweyn u soo hooyey dhulalkii ay ka talinayeen iyaga oo aad u da’ yaraa. Waxa aynu xasuusan karnaa Alexander kii hoggaaminayey dhulka ay bu’da uu ahayd halka uu imika dhaco dalka Macedonia. Isaga oo 20 jir ah ayaa uu kursiga ka dhaxlay aabihii, markii uu 30 jir ahaana waxa uu dowladdii uu u talinayey ka dhigay Imbaraadooriyaddii ugu baaxadda weynayd uguna awoodda badnayd ee abid soo martay taariikhdii hore ee dunida, Alexander oo boqortooyadiisu soo gaadhay dhulka Giriigga, Masar iyo illaa Beershiya waxa uu dhintay isaga 32 sano jir ahaa.
Dhalinyarada inta ay hoggaanka dadkooda qabteen gaadhsiiyey meel taariikhda gashay aad ayaa ay u badnaaneey, waxa kale oo ka mid ahaa William Beit oo dalka Ingiriiska raysalwasaare ka noqday isaga oo 24 sano jiray, waxase ugu magac dheeraa taariikhda reer galbeedka Napoleon Bonaparte oo markii laga dhigay taliyaha guud ee hoggaamin doona ciidamadii Talyaaniga ee u ruqaansaday dhinaca Imbaraadooriyaddii Faransiiska ay da’diisu 26 sano oo keliya ahayd. Soddon jirkiisii waxa uu noqday qunsulka koowaad kadib markii isaga oo 33 gu’ jiray uu ka soo noqday ol’olihii Masar, laba sano kadib oo uu 35 sano jir ahaana waxa uu noqday Imbaraadoorkii Faransiiska ee taariikhdiisa laga wada dharagsan yahay.