Hargeysa (Geeska)- Waa qiso sida ay u muuqato male-awaal ah oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay talefishanka Aljazeera. Waxaa ku jira xikmad aad u ballaadhan oo ina tusaya saamaynta khatarta ah ee isku milanka culimada muslimiinta iyo madaxda dalalkoodu uu ku yeeshay fahamkii saxda ahaa ee diinta, maadaama oo inta badan ay culimada habdhaqankan lihi hoggaamiyaha u jideeyaan qaladaadka uu ka gelayo diinta, dalka iyo dadkaba.
Waxaa la yidhi nin hoggaamiye ah ayaa u yeedhay saddex ka mid ah culimadii dhulka uu maamulayey, waxa aanu ka dalbaday in ay fatwo sharci ah ka siiyaan waxa ay diinta Islaamku ka qabto ku shubashada doorashada. Waxa aanay u jawaabeen sidan:
Sheekhii Koowaad: Haddii ay tahay ku shubasho ay dalbatay hay’adda nabadsugiddu waa arrin cudur daar leh oo diinta kama hor imanayso.
Sheekhii labaad: Si aynu uga hortagno in qof khaayin ah ama aan dalka iyo diinta u dan ahayni yimaaddo waa waajib in doorashada lagu shubtaa.
Sheekhii saddexaad: Ku shubashada iyo wax is-daba marintu waa xaaraan. Waayo waa fasahaad iyo xumaan bulshada lagu dhex faafinayo.
Hoggaamiyihii inta uu ku jeestay gacanyarihiisii oo hareer fadhiyey ayaa uu ku yidhi qor xilal aan u magacaabayo saddexdan Sheekh, “Sheekha koowaad waxa aan u magacaabayaa garsooraha guud (Maxkamadda Sare), sababta aan ugu magacaabayaana waa in uu beenaale yahay, oo weliba is ogyahay in uu beenaale yahay. Dadka noocaas ahina waa kuwa loo baahan yahay.
Sheekha labaad waxa aynu u magacaabaynaa, Imaaka masaajidka ugu weyn caasimadda. Waayo waa khaayin / wax is-daba mariye, weliba isku og khiyaamada. Sidaa awgeed noocaasna waa loo baahan yahay.
Sheekha saddexaad isaga waxa aynu ka qaadaynaa rukhsaddii sheekhnimo iyo khudbadaha masaajidda, waayo waa runsheeg, is og in uu runsheeg yahay. Noocaasna looma baahna.
Kadib hoggaamiyihii waxa uu ku jeestay gacanyarihiisii oo uu weydiiyey, “Adiga maxay kula tahay in doorashada aynu ku shubanno? Gacanyarihii ayaa cod cabsi badani ka muuqato waxa uu ku jawaabay, ‘Ma dhici kartaa in qof aniga oo kale ah (Liita) uu qof adiga oo kale ah fatwo u sheego” Hoggaamihihii inta uu aad ugu qoslay gacanyarihiisa waxa uu yidhi, “Adiguna waxa aad tahay munaafaq. Noocaagaas oo kalana waa aan jecelay”