Hoggaamiyaha Waddani Iyo Wefti Uu Wato Oo Ceerigaabo Gaadhay

0
592

Ceerigaabo (Geeska)- Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Wefti ballaadhan oo uu hogaaminayo oo maalmihii u dambeeyey socdaal uu ugu kuur gelayo xaaladda abaareed ee ka taagan deegaamada bariga dalka sii amba qaaday, iyaga oo maray deegaamo kala duwan oo ay ugu kuur gelayeen xaaladda dadka iyo xoolaha ee ay abaaruhu saameeyeen.

1

Hogaamiye Xirsi iyo Weftigiga uu hogaamiyo ee Xisbiga Waddani, ayaa kormeer ku tegay deegaamo kala duwan oo hoosyimaadda gobolada Saraar iyo Sanaag ee dhinaca galbeedka oo ay gaadhsiiyeen kaalmooyin deg deg ah oo ay ku caawinayaan dadka reer guuraaga ah la il daran dhibaatada abaarta eek u habsatay, kuwaas oo ay gaadhsiiyeen caawiyooyin isugu jira Biyo iyo raashin kala duwan oo ay aad ugu baahnaayeen, gaar ahaan ban cadde, Ceelafweyn iyo deegaamo kale.

Qaar ka mid ah dadweynaha ay weftiga hogaamiye Xirsi u qaybiyeen Biyaha iyo rasshinka kala duwan, ayaa uga mahad celiyey deeqdan ay soo gaadhsiiyeen, waxaanay sheegeen in ay aad ugu baahnaayeen deeqdan ugana mahad celinayaan xisbiga waddani, iyaga oo sheegay in ay xaalad abaareed hayso oo ay u baahnaayeen biyaha iyo raashinkaba.

Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan oo halkaasi hadal kooban ka jeediyey ay biyaha ugu dhaaminayeen dadka tabaalaysan waxa uu yidhi “Halkan Olole umaanaan imane waxaanu u nimid gurmadkii abaaraha  waxaanu soo gaadhsiinay biyo iyo gurmad deg deg ah, biyo baadba wixii aanu haynay waxaanu hore ugu wareejinay guddida abaaraha heer qaran, hadana dadkii oo aad u cadilan markii aanu aragnay ayaanu xoogaa biyo ah oo deg deg ah soo gaadhsiinay oo ilaa 10 biyood ayaanu ugu talo galnay war-idaad deegaamo kalena waanu soo gaadhsiinay” ayuu yidhi Hogaamiye Xirsi.

Dhinaca kale Hogaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa gaadhay deegaanka Gar-adag oo ay gaadhsiiyeen deeq isugu jirta biyo oo ka koobnayn illaa tobaneeyo biyo, waxaana halkaasi ay dadweynaha deegaankaasi uga mahad celiyeen weftigan hogaamiye xirsi ee deeqda gurmadka ah soo gaadhsiiyey dadka abaartu hayso, waxaanay weftigan hogaamiye Xirsi kormeer ku soo mareen dugsiga sare ee gar-adag oo uu dayac badani ka muuqday, waxaanuu ballan qaaday Hogaamiyuhu in uu dayactir ku samayn doono gaar ahaan deyrka iskuulka oo dumay, waxaanay intaasi ka dib booyado biyo ah gaadhsiiyeen deegaamo ka tirsan ceel-afweyn oo ay u qaybiyeen biyo iyo agab kale oo gurmad ah oo ay ugu talo galeen, waxaana barbar socday biyo dhaamiskan kulamo ay la yeelanayeen dadka deegaanka iyo waxgaradka kala duwan ee deegaamada ay marayeen.

Weftiga Hogaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa intaasi ka dib u amba baxay dhinaca Magaaladda Ceerigaamo oo si ballaadhan loogu soo dhaweeyey, waxaana meel durugsan kaga hor yimid weftigan xisbiga waddani waxgarad iyo dadweyne kale oo si diiran ugu soo dhaweeyey magaaladda Ceerigaabo, waxaanay sheegeen in ay soo dhaweynayaan ugana mahad celinayaan deeqda ay soo gaadhsiiyeen dadka ay abaaruhu saameeyeen xisbiga waddanina ay taageero u hayaan gaar ahaan hogaamiye Xirsi.

Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan oo soo dhaweyntii Ceerigaabo ka hadlay, ayaa waxa uu yidhi “Dadka reer Sanaag ee na soo dhaweeyey ee dareenka farxadda lihi ka muuqdo waxaan leeyahay aadbaad u mahadsantihiin, kumaanaan talo gelin wax olole ah iyo hawlo xisbi o hawlaha abaaraha ayaanu u nimid.