Arrimo badan oo aanay umaddii kuu codaysay filayn ayaa soo baxay. Waxa ugu horaysa in Madaxweynihii hore Daahir Rayaale Kaahin loo miiso ammaan iyo bogaadin la xidhiidha hoggaamintiisii siyaasadihiisii dibadda iyo gudaha ee uu dalka ku waday. Taas macnaheedu waxa weeye in Madaxweyne aad loo naqdiyayo maamulkaagii ay umaddu ugu codaysay kala badh intii codka dhiibatay.
Mudane, Madaxweyne gobaladii bari waxa ka taagan xasarad ba’an oo dagaal culus ah taas oo khatar gelin karta qaranimada Somaliland, islamarkaana ay ka digeen siyaasiyiin magac iyo miisaan dalka ku lihi sida Xasan Ciise Jaamac iyo Ibrahim Cabdillaahi Xuseen Dhegaweyne. Waxa lagu sameeyay Taleex maamul goboleed markii u horaysay noociisa lagu arkay Somaliland kaas oo ah maamul ka soo horjeeda qaranimada Somaliland. Waa magac u yaal, laakiin dhaawac ayuu ku yahay Somaliland. Dibadda waxa lagaga dhawaaqay maamul kale oo loo bixiyay Awdal State, waa dibad wareeg, laakiin isna dhibtisa ayuu leeyahay. Marka ay sidaas tahay Madaxweyne arrimahan hore umay jirin xilligii Madaxweynihii hore talada dalka hayay ee bal adigu isweydii sababta xilligan keentay.?
Waxa kale oo dad badan u muuqda inuu isbedel ka muuqdo xidhiidhkii Somaliland iyo Itoobiya, waxaanay kooxihii shirka Taleex ku qabtay ee xabadda Buhodle ka riday hadda dhex dawaafayaan Itoobiya iyagoo isku kalsoon. Taasi may dhici jirin markii ay talada hayeen labadii Madaxweyne ee kaa horeeyay, xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiyana wuxuu ahaa mid shilis oo ku dhisan ilaalinta danaha ka dhexeeya labada wadan ee muhiimka u ah wada shaqaynta labada dawladood.
Dr. Cali Khaliif Galaydh, wuxuu hore si cad ugu cadeeyay inuu Daahir Rayaale isaga iyo Cabdillaahi Yusufba kaga adkaaday siyaasadda gobalada Sool iyo Sanaag ee Itoobiya, waxaanu sida uu Cali Khalif sheegay uu Daahir Rayaale Itoobiya ku qanciyay siyaasadiisii ku waajahnayd gobaladaas., waxaanu yidhi “Rag bay ugu badisaa inay Sool, Sanaag iyo Cayn ay yihiin Somaliland. Raggaasi waa ayo, waa Itoobiya. Waxa la fuliyay oo ka ogolaaday oo ka qeexay Hargeysa ciddii xukuntay iyo Garowe ciddii xukuntay, qofka dhulbahante ee aan taas ogayni ama wuu is yeelyeelayaa ama waa nacas. Arrintaas Itoobiyaa leh, iyadaa Cabdillaahi Yuusuf iyo Ina Rayaale kala heshiisay, Cabdillaahi Yuusuf ayaana u saxeexay, ciddii tidhaahda waa beena aan kutubta isu soo qaadano oo isu soo fadhiisano.” Hadalkaas Cali Khaliif Galaydh oo uu u jeediyay qaar ka mid ah taageerayaashiisa qurbaha, wuxuu cadaynayaa siyaasadii Rayaale ee dibadda. Laakiin Madaxweyne imika oo aad adigu maamulka haysid Cali Khalif wuxuu ka soo degay kana dhoofayaa Itoobiya oo uu hadda dhex joogo, waagii Rayaalena wuxuu Itoobiya iyo gobalada Sool iyo Sanaag ka taagnaa aragtidaas. Maxaa taloow imika isbedelay?
Intaas waxa dheer siyaasadii xukuumadaada oo jahawareersan. Waxa la ogyahay inay dhawr wasiir oo xukuumadaada ka tirsani weedho kulul iyo eedaymo hor leh warbaahinta isku weydaarsadeen, amaba wasiir iyo wasiir xigeenkiisii amaba agaasimihisii ay warbaahinta eedaymo isugu jeediyeen. Intaas waxa dheer wasiiro iyo masuuliyiin badan oo xukuumadaada ka tirsan ayaa wada shaqayn iska daaye aan salaanta iska qaadin oo uu xidhiidhkoodu murugsanyahay. Markhaatina waxa kuugu filan in Madaxweyne xigeenkii uu maalmo dhawr ah xarunta madaxtooyada uga maqnaa cadho uu ka qaaday xubno ka tirsan wasiiradaada oo uu hab dhaqankooda tabasho ka qabo, inkastoo hadda la sheegay in khilaafkaas la xaliyay.
Gebagebadii Mudane Madaxweyne, bal dib u milicso khudbadihii aad ku naqdiyi jirta hoggaamintii Daahir Rayaale kaahin. 6 August sannadkii 2006, waxaad khudbad ka jeedisay shir lagu qiimaynayay xaaladda mandaqadda iyo xaaladda dalka Somaliland oo Hargeysa ku qabsoomay, wakhtigaas oo aad ahayd guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, waxaanad adigoo xaaladda dalka ka hadlaya tidhi “Waxa weeyaan dalku wuu marin-habaabay, ee dadweynahani hanala qaato, oo siday tahay ha loo qaato, oo ha la yidhaahdo ama dalka sharciyaddii ha lagu soo dabaalo, ama nidaamka maanta taagan halaga tashado, anagu ta aanu doonaynaa taa weeye. “
Si kastaba ha ahaate Madaxweyne, waxyaabo badan oo khaldan ayaa jira oo ay arrimahan aynu sheegnay ay ku jiraan, kuwo kale ayaa iyaguna jira. Sidaas darteed, Mudane Madaxweyne malaa waxa qurux badan inaad dib ugu noqotid siyaasadaada hoggaamineed si aad u toosisid arrimahan badan ee sannad iyo badh gudihii dalka ku soo kordhay.
Comments are closed.