Hay’adda SOFHA Oo Culimada Dalka Qaarkood U Qabtay Kullan Ku Saabsan Caafimadka Hooyada iyo Qoyska

0
589

Picture1Hargeysa (Geeska)- Hay’adda wadaniga ah ee SOFHA oo ka mid ah Hay’addaha ka shaqeeya arrmaha caafimaadka, gaar ahaana caafimaadka hooyada iyo arrimaha qoyska iyo wacyi gelinta arrimaha caafimaadka ee qoyska.

Hay’adda ayaa tabobar saddex maalmood qaatay u qabtay qaar ka mid ah culimada gobolada Awdal, Sanaag, Burco Iyo Maroodijeex, waxaana lagaga hadlaayey doorka ay culimadu ku leeyihiin ka shaqaynta caafimaadka hooyada iyo qoyska, gaar ahaana diinta islaamku halkay ka taagan tahay nidaaminta dhasha, iyadoo loo maraayo dariiqa suuban ee ay diinta Islaamku ogoshahay.

Sidoo kale kullan hawleedkan waxaa ka soo qayb galay qaar ka mid ah dhakhaatiirta waaweyn ee ka hawl gala wasaaradda caafimaadka iyo cisbitaalada magaalada Hargeysa, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Dr Deeq Siciid Jaamac oo aqoon dheer u leh caafimaadka qoyska iyo Dr Maxamed Muuse Xasan oo ah agaasimaha waaxda qoyska ee waaradda caafimaadka Somaliland.

Sidoo kale kullanka waxaa ka soo qayb galay gudoomiye ku xigeenka Hay’adda shaqaalaha Somaliland Mudane Maxamed Cumar iyo masuuliyiin ka socda wasaaradda diinta iyo awqaafta Somaliland.

Cabdifataax Mahad Qaasim oo ah madax barnaamijyada Hay’adda wadaniga ah ee SOFHA oo kullanka furay ayaa ugu horayn ka war bixiyey ujeedada tabobarka loo soo xidhay culimada gobolada kala duwan ka socotay, waxaanu ku dheeraaday doorka ay culimadu ka ciyaari karaan ka shaqaynta arrimaha caafimaadka ee qoyska iyo fahanka bulshada ee ku aadan in la helo qoys caafimaad qaba.

“Waxaynu maanta soo xidhaynaa kullankeenii mudadda saddexda cisho ah inoo soo socday ee uu soo qaban qaabiyey ururka waddaniga ah ee SOFHA (Somaliland family health association). Ururka waddaniga ah ee SOFHA maaha markii koowaad ee uu qabto barnaamijyo sidan oo kale ah, laakin marar hore oo badan ayuu qabtay, waxaanu sii rajaynaynaa in aanu sii wadno barnaamijyada noocan ah ee lagaga hadlaayo arrimaha bulshada hadii ilaahay idmo. Mawduucii saddexda cisho aynu soo wadnay wuxuu ahaa kullan ku saabsan caafimaadka qoyska, gaar ahaana caafimaadka hooyada iyo dhalaanka oo lagaga hadlaayey sidii caafimaadka hooyada iyo dhalaanka loo daryeeli lahaa, waxaanu ahaa kullan laba dhinac leh oo ay isugu yimaadeen culimo ka timi gobolada Somaliland saddex gobol oo ka mid ah, sida gobolka Sanaag oo ay ka socdeen afar sheekh, gobolka Togdheer oo ay ka yimaadeen lix sheekh iyo gobolka awdal oo ay ka yimaadeen shan sheekh. Waxaa iyaguna barnaamijka ka qayb qaadanaayey qaar ka mida dhakhaatiirta Somaliland, waxaa iyaguna goob joog ahaa wasaaradda diinta iyo awqaafta iyo wasaaradda caafimaadka Somaliland, waxaana lagu naaqishay sidii ay culimadu door uga qaadan lahaayeen arrimaha bulshada ee uu ka mid yahay caafimaadku”

Madaxa barnaamijyada Hay’adda SOFHA Cabdifataax Mahad Qaasim oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas ku daray doorka ay culimadu ku leeyihiin wacyigelinta bulshada, gaar ahaana arrimaha caafimaadka, waxaanu yidhi   “ugu danbayntii muwuudcan waxyaabaha laysla qaatay waxaa ka mid ah inay culimadu qaybtoodu ugu muhiimsan ka qaadato barnaamijyada caafimaad wixii kaga aadan, iyagoo marka ay ku noqdaan goboladoodii soo qaban doona wax qabadyo oo wixii ay halkan ka faa’ideen ay kula noqon doonaan bulshadii ay ka yimaadeen. Ugu danbayntii waxaa barmaanijkan iska kaashaday wasaaradda caafimaadka, wasaaradda diinta iyo awqaafta iyo ururka waddaniga ah ee SOFHA. Ururkuna wuxuu u taagan yahay mar kasta wixii caafimaadka wax tarayaa, caafimaadka qoyskana faa’ido u leh”

“waxaan ku soo xidhan lahayn afar qodob oo aan culimada kala hadli lahaa, kuwaas oo kala ah 1. In culimadu aabaha kala hadasho masuuliyada ka saaran caafimaadka hooyada iyo dhalaanka, waayo inta badan waxaa jira in aanay ragu masuuliyad iska saarin qoyskii. 2 in bulshadu lagu wacyigeliyo muhiimada ay leedahay naasnuujintu oo ay hooyadu ugu yaraan lix bilood u dhamaystirto naasjuujinta ilamaha yar, ugu badnaana laba sano. 3 in bulshad aad ku wacyigelisaan inay doontaa adeegyada caafimaadka. Qodobka u dambeeyaa waxaan odhan lahaa wax kasta oo arrimaha caafimaadka oo aad u baahataan in aad weydiisaan isu duwayaasha wasaarada iyo dhakhaatiirta kale” sidaas waxaa yidhi agaasimaha waaxda qoyska ee wasaaradda caafimaadka Somaliland Dr Maxamed Muuse oo ka qayb galay kullankaasi.

Ugu dambayntii culimada ka soo qayb gashay tabobarkan ayaa isku raacay in deegaanada kala duwan ee ay ka yimaadaan markay noqdaan ka samayn doonaan wacyigelin ku saabsan doorka caafimadka qoysku ku leeyahay bulshada iyo faa’iidooyinka naasnuujinta.