Hay’adda PSI Oo Soo Bandhigtay Adeeg Caafimaad Oo Loogu Magac Daray Super Fariid

0
785

Picture2

Hargeysa(Geeska):-Munaasibad si heer sare ah loo soo agaasimay isla mar ahaantana ay Haayada PSI ku soo bandhigaysay adeeg caafimaad oo cusub oo magaciisa la yidhaahdo Super Fariid,oo ah adeeg caafimaad oo loogu talagay,waxna ka taraaya koriinka caruurta ee jidh ahaan iyo maskax ahaaneedba ayaa lagu qabtay xaafada State House-ka ee magaalada Hargeysa.

Munaasibada lagu soo bandhigaayey Mashruuca Super Fariid oo ah Mashruuc ay fulinayso Haayada PSI oo kaa shanaysa Wasaarada Caafimaadka Somaliland sida oo kalena ay maal galinayso Haayada UNICEF ayaa waxaa ka soo qayb galay Saraakiil sare sare oo kala socday Haayadaha UNICEF iyo PSI,Masuuliyiin ka socday Wasaarada Caafimaadka Somaliland,Haween,Caruur iyo Marti sharaf kale oo aad u tira badan.

Madax Mashruucan ee Haayada PSI Md:Axmed Yoonis oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay ayaa sheegay ayaa faah faahin ka bixiyey adeegan caafimaad ee ay maal galinayaan

“Mashruucan oo hadafkiisa ugu wayni uu yahay in caruurta Jamhuuriyada Somaliland oo lagu qiyaasay boqol-kiiba 45.2 in ay dhiig la’aani ay hayso,boqolkiibana ay hayso Iron deficience anemia ay jirto iyaduna,Markaa si ay caruurtu uga soo kabato fiitamiino la’aan taas oo dhan ayanu maanta halkan ku daah furnay adeegan Super Fariid oo ay nafaqooyin badan ku kayd sanyihiin ku was oo Ilmaha faa’ido badan u yeelan doona haddii ay tahay mid jidh ahaaneed iyo mid maskax ahaaneedba”Ayuu yidhi Axmed Yoonis.

Masuul sare oo isna ka socday Haayada UNICEF Md:Cawil Xaaji Cali oo isna halkaasi ka hadlay ayaa isna waxaa uu dhankiisa faah faahin uu ka bixiyey Adeegan Super Fariid,waxaana uu sheegay in adeegani uu yahay adeeg caruurta ka caawin doona kobcinta garaadka Ilmaha iyo sida oo kale koriinka jidh ahaaneed ee caruurta,waxaana uu carabka ku dhuftay in adeegan caafimaad ee Super Fariid uu yahay adeeg ay ku dhamays tiran yihiin dhamaanba fiitamiinada ay caruurtu u baahan yihiin.

"Anaga haddanu nahay Haayada UNICEF sharaf wayn ayaa ay noo tahay runtii in aanu maanta ka soo qayb galno,wada jirna ay u wada daah furaan,Haayada UNICEF,Haayada PSI iyo Wasaarada Caafimaadka Somaliland,taas oo aanu halkan aanu maanta ku wada daah furayno,waayo mashruucan ama Super Fariid oo ah mashruuc nafaqaynta caruurta ah,waxa weeye waa qayb ka mid ah barnaamijyada nafaqaynta caruurta oo ah macdano yar yar oo budo ah oo loogu talo galay in la siiyo caruurta,si aw wax badan uga qabto koritaan kooda,wax yaabaha uu Super Fariid-ku u taraayo caruurta waxaa ka mid ah waxaa uu kordhinayaa difaaca jidhka,waxaa uu ka illaalinayaa xanuunada,waxaa uu kordhinayaa waxa weeye awooda uu ilmahu uu wax ku baran karo,waxa uu kordhinayaa in Ilmahu uu awood badan yeesho iyo tamar badan-ba,waxaa kale oo uu kordhinayaa,waxaa kale oo uu kordhinayaa waxa weeye in uu cuduro badan uu ka illaaliyo Caruurta.Waxyaabaha loo sameeyey ama ku talo galka waxa weeye maanta waxa weeye goobta lagu qabtay ama madasha lagu so bandhigay waxa weeye waa xero ama kaam ay ku nool yihiin dad u badan dad danyar ah,waana meesha aan odhan korno waa meesha ay ku nool yihiin caruuraha ugu badan"Ayuu yidhi Cawil Xaaji Xasan.

Ugu danbayntiina waxaa munaasibadaasi soo afmeertay Marwo:Faysa oo ka socotay Wasaarada Caafimaadka Somaliland,waxaana ay iyaduna ay dhankeeda ka sheekay qaabka ay ka wasaarad ahaan ay u dhiiri galinayaan mashruucan,iyada oo carabka ku dhufatay in mashruucani uu qayb ka yahay mashaariic kale oo loogu tala galay sidii caruurta loog samayn heli lahaa Allaabooyin sida Super Fariid ka kooban fiitamiino badan oo ka qayb qaata kobaca Ilmaha ee Maskaxda iyo Jidh ahaaneedba,waxaana ay shacabka reer Somaliland ugu baaqday in laga faa’idaysto adeega Super Fariid.

"Haddanu nahay Wasaarada Caafimaadka Somaliland,waxaanu muddo aanu la shaqaynay Haayada UNICEF iyo Haayadaha kale ee ku hawlan caafimaadka wadanka,sidii aanu u tayeyn lahayn nafaqada caruurta ee wadankeena oo aanu uga danleenahay in aanu nafaqo darada aan ka illaalino caruuraheena,oo ay tahay waxii aanu qaban karno in aanu xaga bulsheed ee tayo maskaxeed iyo mid jidh ahaaneedba ay u gaadhi lahaayeen caruuraheenu,oo aynu soo kordhin lahayn horena u marin lahayn,dhalaankeena horumarkiisa,ama koritaankooda,taas oo ay Wasaarada Caafimaadka iyo Haayadaha UN-ku ay aad ugu hawlan yihiin.waxaana ay aad ugu hawlanaayeen sidii ay u keeni lahaayeen alaabta fiitamiinadu ay ku badan yihiin ee la yidhaahdo Product Votivication,waana shay ay ku jiraan nafaqooyinka iyo fiitamiinada ay caruurtu ku badbaadayso.taas oo ay hada ugu horeyn ay Haayada PSI ay xaga dadweynaha ay horumar aad u badan ka gaadhsiin doonto,oo ay Allaabtan la yidhaahdo Super Fariid ay soo sameeyeen,soona gaadhsiiyeen.kaas oo ay kala tashadeen,Wasaarada iyo Haayada UNICEF-ba.Allaabtana wax badan ayaa la idiin macneeyey faa'idooyinka kala duwan ee uu leeyahay ku waas oo horumar badan u leh koritaanka xaga maskaxeed ee Ilmaha iyo xaga nafaqada jidhka ee Ilmaha oo ay ku jiraan Fiitamiinada D,E,B2,B6,Folic Acid ayaa sida oo kale ku jirta,vitamin C,Zinc,copper iyo fiitamiino kale aad u badan markaa waxaan ugu baaqaynaa bulshada Somaliland in ay caruurtooda ay siiyaan Super Fariid"Ayey tidhi Sarkaalada sare oo ka socotay Wasaarada Caafimaadka Somaliland.