Hay’adda NHPC Oo Burco Ka Bilowday Diiwaangelinta Mihnad- layaasha Caafimaadka Togdheer

0
596

Picture3Hargeysa(Geeska)-Guddida mihnadlayaasha caafimaadka (NHPC), ayaa diiwaangalinta dadka ku shaqaysta mihnada caafimaadka u tagay magaaladda Burco, isla markaasna hawlahooda diiwaangalineed ka bilaabay magaaladaas.

Gudida oo warbaahinta la hadashay ayaa sheegtay in ay diiwaangaliyeen 200 oo qof oo ku shaqaysta mihnada caadimaadka, waxa ay sida oo kale kulamo la yeesheen jaamacada iyo dugsiga neeraska ee Burco.

Ugu horayntii Drs.Luul Jirde Xuseen oo ah agaasimaha guud ee gudida qaran ee muhnida caafimaadka oo ka warbixinaysay ujeedada safarkooda iyo shaqaalaha caafimaad ee ay diiwaangaliyeen waxay tidhi “Ujeeadada aanu u nimid waxay ahayd diiwaangalin hordhac ah oo loo samaynaayo mihnadlayaasha caafimaada dadka ku shaqaysta ee gobalka Tigdheer,waxaana ujeedadayada ku jirtay in cisbitaalka weyn,machadka tababarka ee Burco iyo jaamacada  in aanu kulan la yeelano oo iyagana oo ah goob adeega caafimaadka laga bixiyo iyo goobihii laga baranaayay  iyagana diiwaangalinta u samayno,gobalada oo dhan waanu tagi doonaa, waxaanan ka bilawnay diiwaangalintan gobalka Saaxil oo aanu bishii hore tagnay, waxaanan ka diiwangalinay shaqaale ah ilaa 88 qof, gobalkan Togdheer inta hada foomamka noo buuxisay waa 200 oo qof oo gidigood ku shaqeeya muhnada caafimaadka.”

Guddoomiyaha jaamacada Burco Prof.Saleebaan Dirir oo isaguna hadalkaas ka hadlay waxa hadaladiisa ka mid ahaa “Farxad ayay noo tahay imaanshaha qoladan caafimaadka ee bixinaysa liisankii dhakhtarnimada, waanu isku xidhanahay, farxad ayay noo tahay inaan kulano, inaan ka soo qaybgalno iyo inaan la shaqayno iyo inaan sharciga ku dhaqanaba”

Sida oo kale maamulaha cisbitaalka guud ee Burco Dr.Cabdiqaadir Muuse ayaa dhankiisa isaguna yidhi“Haayadan NHPC waxay ay noo diiwaangalinysay shaqaalhii Neersinka iyo dhakhaatiirtii fulin lahaa hadafkaas cusbitaalka, qoraalka ay soo qortay waanu la saxeexaynaa,ogalnahay oo soo dhaweynaynaa.”

Ugu danbayntii maamulaha dugsiga neersinka ee Burco Faadumo Cismaan waxa ay tidhi “Waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay in maxadkayagan la qiimeeyo shaqaalahaygana la qiimeeyo, waxaanan saxeexayaa nuqulkii nalagu qiimaynaayay.”