Hay’adda Maamul Wanaaga Oo Ka Jawaabtay Hadaladii Axmed Muxumed Madar

0
475

Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha hay’adda maamul wanaaga iyo la dagaalanka musuqa ee dhawaan la doortay Axmed Jaamac Maxamuud, ayaa ka jawaabay eedo uu guddoomiyihii hore Axmed Muxumed Madar u jeediyay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.

War-murtiyeed ay hay’adani shalay soo saartay oo uu ku saxeexanyahay guddoomiyaha cusub ee bedelay guddoomiyihii hore ayaa waxa uu u dhignaa sidan: “War Murtiyeed kan (press release) oo ka soo baxay xafiiska gudoomiyaha komishinka Maamul wanaaga iyo la dagaalanka musuq maasuqa oo  daba socda waraysiyadii uu bixiyay gudoomiyihii hore ee is casilay wuxuu waraysigaasi siiyay  idacada VOA,   barnaamijkeedii subaxnimo ee baxay taariilkdu markay ahayd 6/5/2017.

Hadaba wuxuu gudoomiyuhu ku sheegay waraysigaas eedaymo badan oo uu u soo jeediyay xukumada uu gadh-wadeenka kayahay Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud siilanyo, qodabada eedaynta ah ee   uu soo jeediyayay, waxa kamid ahaa.

Musuq maasuq ku baahay  xukuumada

Jiritaan la,aan siyaasadeed oo lagula dagalamayo musuqmaasuqa

Warbixino laxidhiida musuq maasuqa oo badan oo uu madaxwaynaha  u gudbiyay oo waxba laga qaban waayay

 Wasaarada Arimaha Dibeda iyo Wasaarada Macdanta iyo Tamarta oo uu eedeeyey.

Hadaba Waxaan halkan ku cadaynaynaa ugu horayn anigoo ku hadlaya magaca xubnaha komishanka maamul wanaaga iyo la-dagaalanka musuq-maasuqa in aanan la qabin eedaymahaas uu soo jeediyay, oo ay isaga uun ku koobantahay,

marka xigana  hadii aan  qodob qodab u dul istaago  eedaymahaasi, sida ta ka  hadlaysa musuq-maasuq ku baahay xukumada anago mudo kooban joognay komishanka isaguna todoba sanadood soo maamulayay, hadaba majirto baadhitaano badan oo lagu sameeyay wasaaradadaha iyo ha’yadaha dawlada oo si rasmiya loo soo bandhigay  oo uu madaxwaynuhu wax ka qaban waayay.

Ta labaad ee Gudoomiyihii hore uu ku sheegay in aanay jirin rabitaan siyaasadeed oo xaga xukumada ah, waxaan umada u sheegaynaa in madaxwaynuhu barnaamijkii xisbiga kulmiye  ku daray in lala dagaalmo musuqa, sidoo kalana uu kaga dhabeeyay balanqaadkiisi ahaa in uu sameeyn doono Komishan madax banaan oo toosiya maamulka wasaaradaha iyo ha’yadaha dawlada sidoo kalana la dagaalama musuq-maasuqa iyo ku tagriifalka awooda dawladnimo.

Taasina waxay markhaati u tahay in ay mar walba madaxwaynaha ka go,an tahay la dagaalanka musuqmaasuqa ,maamul xumada iyo wax is daba marintu. Waxaa ka baxsan hab Maamulka dawladeed in la eedeeyo hayadaha dawlada  iyadoon lagu hayn wax cad si looga dilo magaca. Waxay umadeenu caadaysatay markay ka tagaan xil ay Qaranka u hayeen inay cay iyo af xumo ku sagootiyaan iyagoon dib u eegin xil gudasho laantoodii hore.

Baadhitaanadii komishanku sameeyay 7 daas sanadood  ee  uu Gudoomiyaha ka ahaa, may  jirin baadhis cadaysay in cid loo maxkamdeeyo. Kadib markaanu si gaara u eegnay faylashii  uu carabaabay oo ahaa sanadkii 2012 kii ee wasaarada arimaha dibeda iyo wasaarada Macdanta iyo Tamarta waxaa nooga soo baxday  in wax Maamul xumo ah ama musumaasuq ah aanaan ku arag, ama aan lagu sheegin.

Waxaan ku gunaanadayaa in aanaan la qabin eedaymahaa qaawan ee Gudoomiyihii hore uu usoo jeediyey dawladii uu ka tirsanaa 7da sanadood oo ay isaga oo kaliya ku kooban tahay eedaymahaaasi uu warbahaanta ku faafiyay.”