Hay’adda Dhawrista Tayada Oo Ka Hadashay Heerka Biyaha Wershadaha Ee Somaliland

0
535

Hargeysa (Geeska)-Markii uu dhawaan wargeyska Geeska Afrika daabacay warbixin ka hadlaysa tayada biyaha wershadaha Somaliland ee caagadaha ku jira oo aan weli lagu samayn baadhis madaxbanaan oo lagu hubinayo tayadooda, ayaa waxa arrintan ka hadlay hay’adda tayada Somaliland.

1

Guddoomiyaha hay’ada dhawrista tayada Somaliland md. Cali Maxamed Cabdalla (Biikalo), ayuu wargeyska Geeska Afrika wax ka weydiiyay tayada biyaha ay soo saaraan wershadaha Somaliland ee caagadaha ku jira iyo inay ku sameeyeen baadhis madaxbanaan, waxaanu yidhi “Waanu wadnaa, laakiin  heerkii weli muu dhamays tirmin. Waxa ku jira weli si toos ah baadhis ugumaanu sameyn, laakiin heerkii caadiga ahaa Formalada ee biyaha kale ku shaqeeyaan ayey soo qaateen, heerka biyaha aanu ugu talagalnay marka uu soo baxo waa lagu fulinayaa.”

Isagoo ka hadlaya heerka ay wershadaha Somaliland ka jiraa biyahooda ku fadhiisiyaan wuxuu yidhi “Imika iyagu waxay haystaan heer [standard] ay meel kale ka soo qaateen, oo ay ku shaqeeyaan, laakiin wali maanu gaadhin heerkii aynu wax walba sidoodii ka dhigi lahayn, waanan ku socona, iyagana kuwa ugu horeeya ayey ku jiraan ee aanu arimahooda gacmaha ku hayno”.

Guddoomiyaha oo la weydiiyay marka ay baadhistooda dhinaca biyaha dhammeeyaan haddii ay helaan wershado aan buuxin shuruudaha loo baahanyahay, waxa ay yeeli doonaan wuxuu yidhi  “Marka ay soo baxaan ayeynu eegi doonaa, wixii sax ah ayaana shaqeyn doona insha allah”