Hay’adaha Iyo Ururada Islaamiga Ah Ee Ka Hawlgala Dalka Oo Qaadhaan Lacageed Ku Wareejiyey Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta

0
691

Hargeysa (Geeska)- Kulan ka qabsoomay Xarunta Wasaaradda Qaranka Somaliland oo ay ka soo qaybgaleen ilaa 18 hay’adood oo kuwa islaamiga ah ee ka hawlgala dalka ayaa waxa ay qaadhaan lacageed oo dhan $7200 ku wareejiyeen Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka JSL Mud. Maxamed Ibraahim Aden(Qabyo-tire)

Kulanka ayaa daba socday kulamo hore oo ay Wasaaradda Qorshayntu la yeelatay Hyadaha iyo Ururuada Islaamiga ee ka hawlgala dalka, iyadoo kulamadaasina  la iskula qaatay sdii looga wada shaqayn lahaa barnaamijka ka soo kabashada abaarta ee heer qaran iyadoo ay hayadahaasi hore u balan qaadeen inay wasaaradda qorshaynta u soo gudbin doonaan wixii qaadhaana iyo qorshayaasha mashaariicda ay ugu talagaleen  Barnaamijka.

Ugu horeyn waxa wareejinta qaadhaanka ka hadlay masuuliyin ku hadlayay magaca Hayadaha iyo Ururuadda islaamiga ah oo sheegay inay ka soo jawaabeen baaqii ay xukuumadu u soo jeedisay iyagoo dhanka kalena xusay inay soo gudbin doonaan qorshayaashooda mashaariicda ku aadan barnaamijka ka soo kabashada abaarta ee heer qaran.

Masuuliyiintan ayaa waxay intaa ku dareen in qaadhaankan oo dhan $7200 laga soo ururiyey shaqaalaha ka hawlgala 18 Hay’adood oo ka hawlgala dalka.

Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka JSL Mud. Maxamed Ibraahim Aden(Qabyo-tire), oo isaguna ka hadlay gudoonkii qaadhaankaasi ayaa ugu horeyn uga mahadceliyey Hayadaha Islaamiga ah jawaabta degdega ah ee ay ka soo bixiyeen baaqii ay xukuumaddu kaga codsatay inay kala qaybqaatan barnaamijka ka soo kabashada abaarta. Wasiir Qabyo-tire ayaa kalamadiisi mahadnaqa waxa uu ku yidhi “ Aad iyo Aad ayan idinku mahadnaqaynaa Hayadaha islamiga kuwa maxaliga ah iyo kuwa caalamiga ahba  waanan idinka filaynay intan iyo inkaleba inaad bixinaysaan waa run, nin Hay’ad ka shaqeya oo  taburacaadna ku shaqeeya hadana wax iska soo jaray waa wax aad lagu farxo weeyi”

Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka JSL Mud. Maxamed Ibraahim Aden(Qabyo-tire), ayaa dhanka kale ku amaanay   Hay’adaha Islaamiga wax qabadkoodu inuu yahay mid la taaban karo waxaanu yidhi

Hayadaha islaamiga waxan ku amaanaynaa in wax qabadkoodu yahay mid  la taaban karo haday noqto waxa ugu yar waa raashin  ay qaybinayaan”

Wasiirka ayaa sidoo kale ka codsaday Hayadahaasi inay Wasaaradda u soo gudbiyaan sidii kulankii hore lagu heshiiyey  qorshayaasha  mashaariicda kala duwan ee ay kaga qaadanayaan barnaamjka ka soo kabashada abaarta, waxaanu dhankiisa balan qaaday in ay ka xukuumadd ahaan wada shaqayn buuxda la yeelan doonaan hayadahaasi