Hay’adda Mercy Corps Oo Maamulka Saaxil Ku Wareejisay Dugsiyo Ay Wax Ka Qabteen

0
2295

 

Berbera(Geeska)-Hay’adda Caalamiga ah ee Mercy Corps ayaa Salaasadii maamulka gobalka Saaxil ku wareejisay saddex dugsi oo ay siyaabo kala duwan wax uga qabteen.

Xaflad loo sameeyay wareejintii dugsiyadaas oo lagu qabtay magaalada Berbera, ayaa wax ka qayb galay badhasaab xigeenka gobalka Saaxil Khadar Cali Cumar, madaxa hay’adda Mercy Corps maxamed Xasan Jidhif iyo masuuliyiin kale.

Maxamed Xasan Jidhif oo halkaas hadal kooban ka jeediyay, ayaa wuxuu ka waramay waxyaabaha ay hay’adda Mercy Corps ka qabatay dugsiyadaas, "Waxaan halkan kugu wareejinayaa saddex dugsi oo ay hay'ada Mercy Corps wax badan ka qabatay intii ay gacanta ku haysay.”

Isagoo Maxamed Xasan ka hadlaya waxyaabaha ay ka qabteen dugsiga koowaad, wuxuu yidhi  “Dugsiga Imaamu Shaafici ee Berbera waxanu tababarnay lix macalin, toddoba gudiga waalidinta ah, afar macalin oo fayo dhawrka lagu tababaray iyo saddex fasal oo cusub oo qalabaysan oo aanu ka dhisnay iyo dayactir aanu ku sameynay 12 fasal oo dugsigaasi ah iyo barkad biyood oo aanu dhisnay,.”

Isagoo ka hadlaya dugsiga labaad wuxuu yidhi “Dugsiga Cumar Binu Khadaab waxaan u tababarnay lix macalin, todoba guddi ah, afar macalin oo fayo dhawrka lagu tababaray, waxanu dhisnay saddex fasal oo cusub oo la qalabeeyey,  waxanu ku sameynay dayactir 12 fasal oo dugsigan kamid ah iyo dhismaha barkad biyood.”

Isagoo ka hadlaya dugsiga saddexaad oo ku yaala tuulada Daragodle, wuxuu yidhi “Dugsiga saddexaad ee tuulada Darogodle waxaanu u dhisnay 2 fasal oo cusub oo qalabaysan iyo dayactir aanu ku sameynay saddex fasal oo kale iyadoo aanu siinay qalabka caruurtu wax ku barato iyo dhismaha barkad biyood, tababarada macalimiinta iyo toddoba gudiyada ah oo aanu siinay tababar iyo afar macalin oo fayo dhawrka loo tababaray.”

Ugu dambayn wuxuu badhasaab xigeenka ku wareejiyay saddexdii dugsi, waxaanu yidhi “Waxa sharaf noo ah mudane gudoomiye inaad nagala wareegtaan dugsiyadan oo aad ilaalisan siyaasadayada kuma jirto inaanu wax balan qaadno laakin waanu arkaynaa baahiyaha badan ee jira. "

Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Saaxil Khadar Cali Cilmi ayaa kala wareegay Masuuliyiinta hay'ada mashaariicda ay dugsiyadaasi ka fuliyeen waxaanu uga mahadnaqay hawsha balaadhan ee ay qabteen mudadii sanadka ahayd ee dugsiyadan la sahqeynayeen waxanu yidhi "waxaan idiinka mahadnaqayaa sida aad u daboosheen baahidii ka jirtay dugsiyadaasi waxaan rajaynayaa inay wax badan ka tarto horumarinta waxbarashada ee gobolka Saaxil."

Gudomiyaha waxbarashada ee gobalka Saaxil Maxamuud Xaaji Cali oo isuguna halkasi ka hadlay ayaa qiray waxqabadka hay'ada Mercy Corps oo uu sheegay inay mudadaas ay siweyn wax uga qabteen dugsiyada saddexda ah ee ay gacanta ku hayeen “Dhismayaal dayactiro iyo tababaro faa'iido weyn laga gaadhay ayay fuliyeen mudadaasi sanadka ah.” Ayuu yihdi Maxamuud, waxaanu halkaas ka jeediyey warbixin la mid ah tii madaxda hay'adasi oo sheegaysa dugsiyada wax laga qabtay iyo in  27 fasal oo wax laga qabtay, waxaanu gudoomiyaha waxbarashadu ka codsaday hay'adaasi inay wax kala qabtaan baahiyo ka jiray waxbarashada gobolka Saaxil.

 Cali Maxamed, oo ah madaxda hay’adaas u qaabilsan arrimaha waxbarashada oo isna halkaas ka hadlay ayaa ka waramay hawshaas ay hay’adda Mercy Corps qabatay iyo baaxda ay lahayd, waxaanu u mahadceliyay dadkii ka qayb qaatay.

Ugu dambayn madaxdii gobalka ka joogtay xafladaas iyo saraakiishii hay’adda Mercy Corps waxay la kala wareegeen saddexdii dugsi oo weliba lagu soo maray kormeer lagu eegayay waxyaabaha ay hay’adu ka qabatay saddexdaas dugsi oo kala ah Imaamu Shaafici, Cumar Binu Khadaab oo ku yaala Berbera iyo dugsiga tuulada Daragodle oo ka baxsan magaalada Berbera.