Hargeysa(Geeska)-Haya’adda Mercy Corps ayaa dhagax dhigtay dhismayaal lagu kordhinayo dugsiga Maxamed Aadan Sheef ee xaafada Daloodho ee Hargeysa, iyada oo dhismayaal cusubna loo dhagax dhigay.
Munaasibada dhagax dhiga oo lagu qabtay xarunta dugsida sare ee Maxamed Aadan Sheef waxaa ka soo qayb galay gudoomiyaha waxbarshada ee gobolka Maroodijeex, saraakiil sare oo ka socday Haya’adda Mercy Corps iyo qaar ka mida waalidiinta xaafada Daloodho. Dugsigan waxa ay hay’adda Mercy Corps u dhisaysaa laba fasal, laba suuli, taangiga biyaha iyo dayr dugsiga lagu xidhi doono, taas oo ay maamulka dugsigu sheegeen inay baahi weyn u qabaan.
Ugu horayn waxaa halkaas ka hadlay maamulaha dugsida sare ee Maxamed Aadan Sheef Mr Cabdi Xasan Cawad, waxaanu sheegay inay baahin wayn u qabeen dhismaha dayrka cusub ee loo dhagax dhigay iyo fasalo cusub oo lagu soo kordhiyo dugsigooda, waxaanu yidhi “Maanta waxaanu halkan u joognaa waa dhagax dhigida dugsida Maxamed Aadan Sheef, waxaanu baahi wayn u qabnay helitaanka dhismasha dayrka iyo laba fasal oo naloogu kordhiyey hada. Haya’adda Mercy Corps waxaanu uga mahad celinaynaa taageerada ay nala garab joogto, waanan uga fadhinaa hadii ay intaas nooga-sii kordhinaynaa.
Maxamed Cali waa mid ka mida waalidiinta dugsida sare ee Maxamed Aadan Sheef, waxaanu ka hadlayaa waxqabadka Haya’adda Mercy Corps. “Haya’ada Mercy Corps aad iyo aad ayey ugu mahad santahay, gudoomiyaha gobolka Maroodijeex ee waxbarashaduna aad ayuu u mahad sanyahay iyo cidii kale ee wax nagala qabatay dhismaha dugsiga. Runtii ardayduna baahi wayn ayey u qabtay dhismaha darykan, Mercy-na waanu u mahad naqaynaa”
Geesta kale waxaa isna halkaas ka hadlay madaxa Haya’ada Mercy Corps u qaabilsan qaybta waxbarashada Mr Josephat “Mercy Corps ahaan waxaanu halkan mahad naq uga soo jeedinaynaa xukumada Somaliland, anaga oo taageero buuxda ka helnay dhanka shaqada, waxa kale oo aanu mahad taas la mida u soo jeedinayaa wasiirka wasaaradda waxbarashada Somaliland”
Mr Josephat wuxuu intaas ku daray inay dugsigan dhismaha lagu soo kordhiyey ay faa’ido u tahay ardayda yar yar ee maanta soo koraysa, waxaanu tusaale u soo qaatay wiil yar oo aan sidaas uga fogayn agtiisa.
Ugu danbayntii waxaa halkaas ka hadlay gudoomiyaha waxbarashada gobolka Maroodijeex Xuseen Ibraahim Xasan, waxaanu sheegay inay laba fasal oo dheeraad ahi ku jiraan dhismaha dayrka, isla markaana looga baahan yahay guddiga xaafada iyo waalidiintaba sidii ay u ilaalin lahaayeen dhismaha loogu soo kordhiyey dugsigooda.
Gabagabadii waxaa halkaas lagu dhagax dhigay dhismaha cusub ee lagu soo kordhiyey dugsida sare ee Maxamed Aadan Sheef oo ku yaala xaafada Daloodho ee magaalada Hargeysa.
Maaha markii koowaad ee Haya’adda Mercy Corps ay dhismayaal dhanka waxbarashada ah ka fuliso gobolada iyo degmooyinka Somaliland, waxaase jiray dayactir iyo dhismayaal cusub oo ay ku soo kordhisay goobaha waxbarashada ee dalka.