Hay’ada THET Oo Qabatay Kulan Lagu Gorfeeyay Waxbarashada Kalkaaliyayasha Iyo Umulisoyinka

0
4212

Picture2Hargeysa(Geeska)-Hay’ada THET iyo wasaarada caafimaadka ayaa si wada jir ah u qabtay kulan lagu gorfaynaayo sidii qorshe midaysan looga yeelan lahaa wax barashada iyo kobcinta aqoonta Kalkaaliyayaasha caafimaadka iyo Umulisooyinka.

Kulankan oo ay ka soo qaybgaleen daneeyayaasha caafimaadka gaar ahaan Umulisooyinka iyo Kalkaaliyayaasha waxa uu socon doonaa mudo sadex casho ah, waxaana laysku dhaafsan doonaa firkiro iyo aqoon lagu sii horu marin karo Kalkaaliyayaasha caafimaadka iyo Umulisooyinka.

Agaasimaha guud ee wasaarada caafimaadka Mr.Cabdi Axmed Nuur oo kulankan si rasmi ah u furay, ayaa ha’yada THET ku amaanay sida ay wax weyn ugu qabto arimaha caafimaadka, waxaanu kulankan gorfaynta ah ku tilmaamay mid muhiim ah oo aqoon dhaxal gal ahi ay ka soo baxi karto, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay sidan “ Runtii waa kulan aad u muhiim ah inay halkan isugu yimaadaan  Kalkaaliyayaasha iyo Umulisooyinka iyo inta ehelka u ah, taas oo muujinaysa ahmiyada uu kulankani leeyahay oo ah Kalkaaliyayaasha,Umulisooyinka iyo ururadooda iyo inta la shaqaysaaba in laysugu yimaado kulankan si loo falan qeeyo arimaha danta u ah, waxii caqabado ah ee hortaagan iyo waxii aqoon la kala koradhsanaayo.” Agaasimaha oo  hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi “Waxaan leeyahay dhamaan inta ka soo qada qaybgashay si fiican halooga wada faa’idaysto, waxa laydinka baahan yahay rayiyadiina oo keenay in shaqadii la sii hagaajiyo, waxaanu ugu mahad naqaynaa hay’ada THET kaalinta ay ku leedahya dhismaha kartida caafimaadka guud ahaan iyo gaar ahaan dhinac waxbarashada iyo xirfada.”

Madax hay’ada THET ee Somaliland Mr.Wario G.Guracha ayaa ku dheeraaday ka hadalka kulan dhex mara daneeyayaasha hawlaha Kalkaalisooyinka iyo Umulisooyinka, sheegayna in sida qudha ee lagu gaadhi karo horumar ay tahay wada shaqayn wada jir ah, waxaanu carabka ku adkeeyay in hay’ada THET ay garabtaagnaan doonto wasaarada caafimaadka si ay u horumariso adeegyada caafimaadka.