Hay’adda Ka Hor-tagga Masiibooyinka Oo Ka Hadashay Xaaladda Cimilada Iyo Ka Diyaar-garowgooda

1
2181

Picture2Hargeysa (Geeska) – Guddoomiyaha Hay’adda Ka Hor-tagga Masiibooyinka ee Somaliland (NERAD) Maxamed Muuse Cawaale, ayaa ka hadlay roobabkan sida xidhiidhka ah uga da’aya guud ahaan Gobollada iyo degmooyinka Somaliland, kuwaasi oo ku soo beegmay xili duufaano ku dhufteen xeebaha gobollada bariga ee Maamul Gobolleedka Puntland isla-markaana sida la sheegay ku dilay ilaa 100 ruux, galaaftayna xoolo badan.

 

Prof. Maxamed Muuse Cawaale, oo shalay Xafiiskiisa ugu waramay Wargeysyada Geeska Afrika iyo Saxansaxo, ayaa sheegay in roobabka noocan ah la yidhaahdo (Tropical Stome 03A), isagoo sheegay inuu xidhiidh la sameeyay Gobollada iyo degmooyinka dalka, balse aan loo soo sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay “Haddaad Aragto roob badan waa nimco, hadana nimco weliba nusqaan bay leedahay, haddii aan su’aashaada ka jawaabana tan (Roobabka ka da’aya Somaliland) waxa la yidhaahdaa (Tropical Stome 03A)” ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray in roobabkani ay qayb ka ahaayeen duufaan ka soo kacday badda India, taasi oo ku dhufatay Puntland isla-markaana qayb ka mid ahi ku soo leexatay dhanka Somaliland “Waxay ka timid badda India, wayna innagu soo leexatay, waxayna ku dhufanaysaa xeebaha bariga Puntland, iyadoo jilicday (Fududaatay) ayay ina soo gaadhaysaa, Ceerigaabo ilaa Hargeysana wataa ka socota, laakiin xaggii innaga lafteena xagga xeebaha ayay jiidhay, jiidhidna maaha ee waa qabow aynaan arki jirin, waana qabowga laga qaado oofta, haddii aanu qofku meel diiran (Joogin ama seexan)”

Guddoomiyaha NERAD, oo sii hadlayaa waxa uu ka war-bixiyey xaaladaha gobollada dalka oo uu la xidhiidhay “Annigu hay’ad ahaan Laascaanood waan la hadlay, Ceerigaabo waan la hadlay, Borama, Saylac waan la hadlay, meel waan la hadlay wax dhintayna ma jiraan, laakiin daadad baa rogmaday meelah qaarkood” ayuu yidhi, waxaanu intaasi raaciyey “Stome-kani (Roobabka noocan ahi) way kala awood badan yihiin, laakiin tan inoo timid ayaa wixii hore ka xoog weyn, kana roob badan, la mid maaha tii Philipine ee saacadii 300KM jaraysay ee way ka yar tahay, Berbera oo kale dabayshii malaha, laakiin roobkii iyo qabowgiibaa ugu daran, innaga xageenana Ceerigaabo ilaa Badhan ayay ugu xoog badan tahay, laakiin qabowga ayaynu ka cabanaynaaye xagga dambe ayay ka wanaagsanaanaysaa, oo waxa soo baxaya dhirtii aan hore u soo bixi jirin”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray isaga oo sharaxaya waxyaabaha keena arrimaha noocan “Waxanna waa cimilada oo isbadashay, laakiin waxaynu ku ladan nahay maaha Sunaami-duu baddu kacaysay ee teenu waa Roobkaa iyo dabayshaa wada socda”

Maxamed Muuse Cawaale, waxa uu sheegay inay diyaar garow ugu jiraan roobabkan oo uu sheegay inay sii socon karaan maalmaha soo socda “Annagu waxaanu ku jirnaa digniin, waxaanan isugu yeedhayaa hay’adihii oo waxaan odhanayaa aynu iska diyaar-garowno waa intaasi oo uu sii socdaaye, waxaana loo diyaar-garoobayaa wixii dhici kara”ayuu yidhi

Comments are closed.