Haweenkii Madaxda KULMIYE Ee Gobalka Maroodi-jeex Oo Xalay Badankoodu Is Wada Casilay

0
518

Hargeysa(Geeska)-Masuulyiintii ah haweenka xisbiga KULMIYE ee gobalka Maroodi-jeex ayaa xalay iska casilay xilalkii xisbigaas iyo xubinimadiiba.

1

 ayaa waxaa ay caawa hal hal iskaga casileen xilk

Masuulyiintan iscasilay ayaa waxaa ay dhamaantood ahayeen saraakishii garabka haweenka ee xisbiga Kulmiye waxaana hogaaminayey gudoomiyaha gobalka Maroodi-Jeex ee xisbiga Kulmiye Marwo Xusni Maxamed warsame

Sidoo kale xubnaha iscasilay ayaa waxaa ka mid ahaa

1.Guddoomiyaha Garabka Haweenka Gobolka Maroodijeex ee Xisbiga Kulmiye marwo Xusni Maxamed Warsame

2.Guddoomiyaha Garabka Haweenka Degmada Maxamuud Haybe ee Xisbiga Kulmiye Marwo Aamina Maxamed furre iyo Ku Xigeenkeeda marwo Qamar Ibrahim kirix

3.Guddoomiyaha Garabka Haweenka Degmada Gacan Libaax ee Xisbiga Kulmiye marwo Layla Xaaji Muuse Kaahin

4.Guddoomiyaha Abaabulka iyo wacyi gelinta Garabka Haweenka ee Gobolka Maroodijeex ee Xisbiga Kulmiye Marwo Raaxo Axmed Aadan

5.Guddoomiyaha Garabka Haweenka ee Degmada Ahmed macalin Haaruun ee Xisbiga Kulmiye Marwo Rooda cismaan cige

6.Guddoomiyaha Garabka Haweenka xaafada sheekh mubaarik ee Xiabiga Kulmiye marwo Sucaad xuseen Nuur

7. Xoghayaha garab Haweenka Gobolka maroodijeex ee Xisbiga Kulmiye Marwo Saddo Ismaciil xuseen

Dhamaantood waxaa ay sheegen in ay xalay laga bilaabo iska casileen xilkii iyo xubin nimadii xisbiga Kulmiye iyo waliba xubin nimo ay sheegen in ay ka ahayeen haweenka qaranka ee NAW .