Hargeysa(Geeska):-Qaar ka mid ah garabka haweenka Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ayaa si adag uga jawaabay hadalo dhawaan uu warbaahinta mariyey Afhayeenka Aqalka Madaxtooyada Somaliland Md:Axmed Saleebaan Dhuxul ku waasi oo si xooga ugu duraayey qaar ka mid ah xildhibaanada Aqalka Golaha Wakiilada Somaliland oo eedo u soo jeediyey Xukuumada Siilaanyo. waxaana ay sheegeen in ay aad iyo aad uga xun yihiin in Dhuxul uu aflagaadeeyo qaar ka mid ah Madaxda dalka.waxaana ay sida oo kale ay halkaasi ay uga soo jeediyeen hadalo dhaliilo ah oo ay dusha kaga tureen.
Hadalkan ayaa ay garabka haweenku ka sheegeen shir jaraa’id oo ay ku qabteen xarunta Xisbiga WADDANI ee Magaalada Hargeysa,waxaana ay ku eedeeyeen in uu yahay nin aan shaqadiisa si toos ah u aqoon oo ka dhex guul wadaynaaya Aqalka Madaxtooyada Somaliland.
"Anigu waxaan ka hadlayaa ninkan Dhuxul la yidhaahdo,anigu dee ma moodayo in uu Afhayeen yahay oo dee anigu guulwaduu ka dhexyahay Madaxtooyada ayaan u malaynayaayee,waayo in uu rag la soo doortay oo cod ku soo baxay in uu wax ka sheega ma qurux badna,waayo cod dhan ayaa ay meesha ku yimaadeen oo dadweyne dhan ayaa soo doortay isaguna Suxufi yar oo la kaxaystay ayaa uu ahaa in uu darajadiisa ka badiyaba maysan ahayn,waayo isagiibaaban Ikhtiyaar ahayn,Mid waxaan ka leeyahay tuu Cabdiraxmaan yidhi,Cabdiraxmaan 82-nin ayaa uu hayaa oo u si sharaf leh uu u hayaa oo u waliba uu muddo Toban Sano ah uu hayey,karaamo intaas ayaa ugu filan,bar madawna malahaba Cabdiraxmaan oo bar cad ayaa uu haystaa,ta kale ee iyadana aad tidhi Bashiir ninkii kiraystay ayaa maamula,ogow dee bashiir nin la kiraysto maahee waa nin la soo doortay,waan xildhibaan la soo doortay oo cod dhan la siiyey”.Ayey tidhi Marwo:
Marwo:Hinda Xasan Idiris oo hadalkeeda sii wadata ayaa waxaa ay tidhi: “Ta kale ee iyadana aad ku faantana ee Xildhibaankan Aareeyana walaahi aniga oo dumar ah ayaa kuu khajilay habeenkaan dhagaystay oo dee in aad nin boqolo ah ayaan anigu kuu haystay,laakiin aad ayaan kuugu khajilay in aad ku faanto xoolahii dadweynaha,waar dee adigu shalay suxufi ayaad ahayd oo radio Hargeysa ayaad ka shaqaynaysay oo dhar magaalo ayaad tahay oo nin dhan oo xildhibaan ah oo xaq iyo xuquuqdiisiya in aad tidhaahdo waa la daweeyey oo madaxtooyada ayaa dawaysay aad tidhaahdo waar horta halka aad fadhida yaa leh miyaanan anagu lahayn hadaanu nahay shacabka reer Somaliland,ma aabahaaba leh,waxaan ku leeyahay malaha dee anigu ma garanaayee malaha dee Xirisi baad ku dayatee,Suxufinimadaadii ayaad ku noqon doontaa oo inyar ayaa kuu hadhay oo halkaagii ayad ku noqon,afhayeen caytamana dee anagu maanan arki jirin oo dee hawlo kale ayaa uu qaban jiray afhayeenku".
Sida oo kale Marwo Faadumo Aadan Cawad oo iyaduna halkaasi ka hadashay ayaa waxaa ay iyaduna ay si adag uga jawaabtay hadalo dhawaan ay qaar ka mid ah haweenka Xisbiga KULMIYE ay warbaahinta u mariyeen qaar ka tirsan Madaxda Xisbiga WADDANI iyo waliba garabka Haweenka ee Xisbiga WADDANI,waxaana ay sheegay in aanay haboonayn in haweenku ay ka hadlaan halka ay ragu ka hadlayaan ama ay isku hayaan,iyada oo ugu baaqday haweenka Xisbiga KULMIYE in ay mudan tahay in lays ixtiraamo oo aan hadalo xanaf leh warbaahinta la isu marin ka dumar ahaan.
"Waxaa maanta halkan na keenay arrin aanu haysan kari waynay oo dhibaato nagu abuurtay,oo aanan filaynin oo umadda Somaliland meel kasta oo ay joogto la yaab ku noqotay,Saddexda Xisbi qaran ee dalka ka jira oo Xisbi Xaakimka iyo Labada Xisbi Mucaarad ayaa umaddeena loo sameeyey kolba kii uu doonayo in uu galo,waxaa maanta arrintan nagu kalifay haddii aanu nahay Xisbi Mucaarad ah,oo aanu hablaha KULMIYE inta aanu shir jaraa'id aanu qabano anaga oo WADDANI ah aanu cay kaga horeynay dee dadku ha na sheegaan,wax dhacayna may ahayn,waxaa loo baahan yahay Xisbi Xaakimku in uu dulqaad yeesho oo uu noqdo dadka kii hagaayey,oo uu umadda wax walba oo dhibaato ku keenaya uu ka illaaliyo,haday rag tahay iyo haday dumar tahayba.oo la kala dambeeyo ayaa aad u wanaagsan,oo dee dhagaxii dhaliisha ahaa ee Mucaaradku ay soo tuureen oo aan wali jiingadiina soo gaadhin haddii uu idin damqo waa wax aad u liita,oo dee dulqaad ayaa laydin ka baahan yahay.Runtii xumaantu ma qurux badna oo dumarbaa aynu nahee aynu yoo yootano oo aynu isu muuqano,oo isu tirino oo aynu raga dalka haysta ee Madaxda ah,haday tahay Madaxweyne iyo haday tahay nin guddoomiye Baarlamaan ah iyo ku Guurti ahba,aynu raga ku kala baxno oo aynu u golayno waa mushkilad inteeda leeg,waxaa qurux badan ragu marka ay wada hadlayaan,bilis baa aynu nahee in aynu ka danbayno,oo aynu hadalka wanaagsan iyo kasan ee ay dumarnimadu lahaayeen aynu guryaha la joogno"Ayey tidhi Marwo Faadumo Aadan Cawad.