Haweenka Beesha Ciidagale Oo Lacag Ku Wareejiyay Guddiga Wadada Salaxley

0
680

Picture3Hargeysa(Geeska)-Haweenka Beesha Daa’uud Garxajis ee (Ciida-gale) ayaa Lacag Qaadhaan ah oo ay ugu talagaleen dhismaha Wadda Isku Xidha Degmadda Salaxlley iyo Hargeysa Habeen Hore,si rasmi ah ugu  wareejiyey Guddida Dhismaha Waddadaasi gacanta ku haysa lacagtaasi.

 

Munaasibadan Lacag Wareejinta aheyd, ayaa  xalay kadhacday  Huteel Dalxiis ee magaaladda hargeysa,waxana Haweenka Weynaha Beesha Daa,uud Garxajis ee (Ciida-gale) ay lacag qaadhaan ah oo ay iyagu iska ururiyeen dhexdooda oo dhan 81,235 (Kow Iyo Sideetan Kun Laba Boqol Iyo Shan Iyo Sodon Dollar) oo ay ugu talo-galeen dhismaha Waddada Salaxlley iyo Hargeysa isku xidha ku wareejiyeen guddida dhismaha Waddadaasi,waxana ka soo qeybgalay Xafladaasi, Masuuliyiin ay ka mid ahaayeen Wasiiru Dawlaha Madaxtooyadda Somalilnd Md Maxamed Muuse Abees,Guddoomiye ku xigeenka Guddida dhismaha Waddada Salaxlley Sh Maxamed Cali Geedi,Chief Caaqil Rashiid Maxamed Jambiir,Suldaan Cawil Maxamed Fiiqle,Xubno ka mid ah Qubojoogta iyo Haween Weynahii Beesha Cidda-galle ee Lacagta ku deeqay,Madax dhaqameed iyo Salaadiin tiro badan ayaa Xafladda ka soo qeybgalay.

 

Guddoomiye Ku Xigeenka Guddida dhismaha Waddada Salaxlley Sh Maxamed Cali Geedi oo isagu lacagta haweenku ugu deeqay dhismaha Waddada Salaxlley ka guddoomay waxa uu yidhi “ Hadii aan dib ugu yara noqdo waddada markii la bilaabayey iyada oo aynu hayno daamurkii oo aan laakiin waxba la bilaabin ayey Dumarku lacag soo ururiyeen oo Jeegna siiyeen,Waddadan Ina guuxaa waxa ay ku bilaaban tahay Jeega ay dumarku keeneen,waxana is leekaaday  lacagtii Dumarku biyeen iyo tii Qurbojoogu keenay oo dhan,marka dumarka beeshu waxay mudan yihiin runtii in loo mahad naqo waxana weeyaan in waddada Salaxlley iyaga loogu magac daro”

 

Guddoomiyaha Guddida Beesha Ciida-gale Chief Caaqil Rashiid Maxamed Jambiir oo isna halkaasi ka hadlay waxa uu yidhi “Marka hore  mahad oo dhan Ilaahayba iska leh,marka 2aad na waxa  la yidhi nin aan Bani,aadamka u  mahad naqini ALLE-na uma mahad naqo,idinkana (haweenka Degmadda Salaxlley) waan idiin mahad naqeynaa waxana aanu idiinku mahad naqeynaa kaalinta firfircoon ee aad ka gasheen ee Aakhiro iyo aduunkaba wax tarka leh ee dhismaha waddada Salaxlley,waanad og tihiin dhismahii waddada Salaxlley halka ay mareyso oo balankeeni aynu qaadnayna waxa aad mooda in uu rumoobay ileen waatii hore loo yidhi waxa rag u kaco ee rabi aqbalo wey rumoowdaaye”

 

Wasiiru Dawlaha Madaxtooyadda Somalilnd Md Maxamed Muuse Abees ayaa isna ereyo mahadcelin ah halkaas ka jeediyay.