Haweenaydii Jimcihii Isku Qarxisay Hoteelkii Muqdisho Oo La Aqoonsaday Iyo Warbaahinta Somaliya Oo Baahisay Magaceeda Iyo Shaqadii Ay Hoteelka Ka Haysay

0
753

Picture5Muqdisho(Geeska)-Warbaahinta magaalada Muqdisho ayaa baahiyay magaca haweenay ay sheegeen inay ahayd qofkii isku qarxiyay hoteelka Central ee magaalada Muqdisho, jimcihii doraad. Haweenayda ayaa ka soo guurtay wadanka Holland.

Idaacadda Dalsan ee Muqdisho ayaa sheegtay in Luul Axmed ay ahayd qofka isku qarxiyay hoteelka, iyadoo ahayd shaqaale ka shaqeeya qaybta soo dhawaynta ee hoteelkaas. Salaad Cali Jeele oo ka mid ah siyaasiyiinta reer Somaliya kana mid ahaa dadka hoteelka degen ayaa sheegay in haweenaydani ay dhawr maalmood ka hor u sheegtay inay barato wadista baabuurta iyadoo doonaysay inay soo iibsato baabuur u gaar ah, waxaanu sheegay inay laba maalmood ka hor soo iibsatay baabuur la aaminsanyahay inuu yahay ka’ lagu qarxiyay gudaha hoteelka Central.

Wuxuu sheegay Mr. Jeele inuu gabadha kula kaftamay sababta ay mar walba niqaamka u xidhantahay, waxaanu sheegay inay ugu jawaab celisay in niqaamku yahay difaaceeda sida ay wasiirada dawladda Somaliya u wataan baabuurta aanay xabadu Karin.

Mr. Salaad Cali Jeele, oo hoteelka degenaa sagaalkii bilood ee u dambeeyay wuxuu sheegay in haweenaydani toddobaadkii u dambeeyay laga dareemayay dhaqdhaqaaq iyadoo hoteelka marna ka baxaysay marna ku soo noqonaysay toddobaadkan u dambeeyay, “toddobaadkii u dambeeyay waxa gabadhan laga dareemayay dhaqdhaqaaq badan iyadoo hoteelka marna ka baxaysay marna ku soo noqonaysay.” Ayuu yidhi Salaad Cali Jeele oo intaas raaciyay, “Waxay ii sheegtay inay bilowday barashada wadista baabuurta oo ay gaadhi iibsan doonto.” Ayuu yidhi Salaad Cali Jeele oo sheegay inuu dhawr goor la kaftamay gabadhan oo qaabilsanayd qaybta soo dhawaynta ee Hoteelka.

Idaacadani waxa kale oo ay sheegtay in haweenaydan ninkeedii oo ay isu dhaleen lix carruur ah lagu dilay dagaalo ka dhacay Muqdisho sannadkii 2009.

Qaraxaas Jimcihii dhacay ayaa waxa geeriyooday dad badan oo isugu jiray reer Somaliland iyo Somaliya, iyadoo ay ku dhaawacmeen qaar ka mid ah madaxda dawladda Somaliya oo uu ka mid yahay raysalwasaare-xigeenka Somaliya Maxamed Cumar Carte oo shalay loo qaaday wadanka Turkiga.