Haween Reer Borama Ah Oo Cududooda Ku Biiriyay Xisbiga Waddani

0
757

Boorama(Geeska):-Xaflad ballaadhan oo si heer sare ah loo soo agaasimay isla mar ahaantaana haween weynaha reer Boorama oo ku soo biiray xisbiga WADDANI, ay ku muujinayeen cuddooda taageero ee ay la barbar taagan yihiin xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa habeen hore  lagu qabtay hotel Rays ee magaalada Boorama.

1

Waxaana haweenkan oo ka soo diga-rogtay xisbiga KULMIYE ka soo qeyb-galay  guddoomiyaha xisbiga WADDANI Md.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), guddoomiye ku xigeenka xisbiga WADDANI Md.Axmed Muumin Seed, xubno ka mid ah hoggaanka, guddida fulinta, garabbada dhallinyarta iyo haweenka, mas’uuliyiin, haween weynaha ku soo biirayey iyo marti sharaf kale.

Qaar ka mid ah haween weynaha ku soo biiray xisbiga WADDANI oo ugu horeyn halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin in gebi ahaanba ay u soo diga rogtaan xisbiga WADDANI oo ay ku tilmaameen in uu yahay xisbi daacad ka ah in uu qaranka u horseedo isbedel dhabba oo umadda gaadhsiin kara horumar, caddaalad iyo sinnaansho, waxa kale oo ay dhalliilo xooggan u soo jeediyeen xisbiga muxaafadka ah ee KULMIYE , iyaga oo ku duray in ay hore ugu hungoobeen isla mar ahaantaana aanu waxba ka qaban baahiyaha kala duwan ee ay qabaan haween weynaha Somaliland.

“Farxad-weyn ayey noo tahay in aanu caawa/xalay ku soo biirno xisbiga horumarka iyo midnimada umadda Somaliland ee WADDANI, waxa aanu ka soo diga roganay xisbi aanu ku hungownay oo cid gaara u cuno duuban, muddadii uu jirayna aan haba-yaraatee wax la taaban karo u qaban haweenka gobalka Awdal iyo guud ahaan haween weynaha Somaliland. Xisbiga WADDANI waxa aanu ku soo xulanay in uu yahay xisbi ay ka daacad tahay hirgelinta iyo sida oo kalena taabo gelinta horumarka shacabkani sugaayo, waa xisbi aanu kalsooni badan ka qabno in uu qarankiisa ku dhaqi doono horumar, cadaalad iyo sinnaanshiyo, waxa kale oo xisbigan nagu soo kalifay in aanu ku soo hirano in uu yahay xisbiga qudha ee maanta dalka isbedel tolmoon ka dhalin kara.”.Ayey yidhaahdeen qaar ka mid ah haween weynaha gobalka Awdal ee ku soo biiray xisbiga WADDANI.

Mar kale iyaga oo hadalkooda sii wata, waxa ay dhayda ka caddeeyeen in ay gudayaan abaal 12sanno ah oo ay sheegeen in beesha uu ka soo jeedo guddoomiye Cirro ay dhabta ku haysay madaxweynahii hore ee Somaliland Md.Daahir Ra’yaale Kaahin xilligii uu talada dalka hayey, isla mar ahaantaana ay maanta guddoomiye Cirro la barbar istaagayaan hiil iyo hooba.

“Guddoomiye xigeenka xisbiga WADDANI Axmed Muumin Seed, Dr.Maxamed Xaaji Cali, Siyaasi Xamarje iyo mas’uuliyiin kale oo aad u tira badan oo halkaas ka hadlay, ayaa iyaguna dhammaantoodba sheegay ay farxadweyn u tahay in ay soo dhaweeyaan haweenka Boorama, waxaana ay tilmaameen in marwalba ay haweenku yihiin kuwa horseedka u ah horumarinta qaranka iyo sida oo kale in isbedal dhabba laga abuuro guud ahaan dalka Somaliland.

Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Md.Cabdiraxmaan Cirro oo isna ugu dambeyntii halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay haween weynaha tirade badan ee ku soo biiray xisbiga WADDANI kana soo diga-rogtay xisbiga wakhtigiisu sii dhacaayo ee KULMIYE, waxaana uu tilmaamay in uu gebi ahaanba si aada u soo dhaweynaayo haweenkan iyo taageerayaasha kale ee ku soo biiray xisbiga WADDANI, isaga oo carabka ku dhuftay in xisbiga WADDANI uu door muhiim ah barnaamijkiisa siyaasiga ah ku siiyey haween weynaha Somaliland kuna dhiiri-gelinaayo in ay ka qeyb-qaataan siyaasadda dalka iyo horumarka Somaliland.

“Farxadweyn ayey ii tahay in maanta ka xisbi ahaan aanu soo dhaweyno haweenkan tirada badan ee sida qurxoon u soo agaasimay baradan bilan ee sida habboon loo aslay, waxa aan lee yahay soo dhawaada, ku soo dhawaada gacmo furan, xisbi aan la kala lahayn, xisbi aan loo soo kala horeyn oo dhammaanba intii hore ugu jirtay iyo inta taageerayaasha u ahba ay ka mideysan yihiin oo qudhan hadafka isbedal dhabba oo qaranka laga suurto geliyo. Xisbiga WADDANI, waxa uu dhiiri-gelinayaa siddii gebi ahaanba kor looggu qaadi lahaa horumarinta haweenka iyo weliba sida oo kale siddii ay uga qeyb-qaadan lahaayeen siyaasadda iyo horumarka qarankaba, gaar ahaan haweenka reer Awdal mudnaan gaara ayey noo lee yihiin, waxaana aanu idiin sheegaynaa in dalka aynu ku hoggaamin doonno cadaalad, sinnaanshiyo iyo horumar waara oo ay ku farxaan dadka jooga bari iyo galbeed.”.Ayuu yidhi Md.Cabdiraxmaan Cirro.