Havoyoco Oo Xaflad U Qabatay 73 Arday Oo Qalinjebiyay

0
1027

 

yookoHargaysa(Geeska) Hay’ada HAVOYOCO ayaa shalay xaflada qalinjabina u qabatay 73 ardaya oo haweena oo xirfado kala duwan ka bartay xarunta horumarinta qoyska ee hay’ada Havoyoco, xirfadaha ay barteen ardaydan ayaa ahaa Cuntakarinta,Dawaarka,Compurerada iyo maamulka.

Xafladaas qalin jibinta ahayd ayaa waxa ka soo qayb galay gaasimaha Hay´ada Avoyoco Ismaaciil Maxamed Axmed, Madaxa farsamada ee wasaarada waxbarshada Jirde Cabdillaahi Giire, maamulaha mashruucan ardaydu ay ka qalin jaibsay Marwo Kowsar Maxamuud Xasan, walidiin, arday iyo marti sharaf kale.

Ugu horayn waxa xafladaas qalin jabinta ah ee ardayda loo qabtay hadlo kooban ka soo jeediyay agaasimaha hay’ada Havoyoco Ismaaciil Maxamuud Axmed oo ku dhiiri galiayay ardayda inay siiwataan xirfadahoda kana waramay waxyahaabaha ay ka shaqayso hay’ada Havoyoco hadaladiisina waxa kamid ahaa“Waxaynu halkan u fadhinaa 73 arday oo dhamaystirtay xirfado kala duwan oo kala ah Cuntokainta,Computerada iyo maamulka xafiisyada, iyo dawaarka, mudo fara badan ayay runtii wax soo baranayeen wanan u hanbalyaynayaa, waxaan u rajanayaa ardayda inay wax barashada halkaasi kasii wataan. Havoyoco  waxaa ay ka shaqaynaa Waxbarashada, Reerguuraaga, Wacyigalinta HIV-ga, iyo Gargaarka dagdaga ah. xirfadaha oo aanu bilownay muddo laga joogo 12 sano waxaana ilaa hada ka qalinjabiyay arday kudhaw ilaa 5000 kuwaas oo rag iyo dumarba iskugu jiraa mihiimada aanu sidaa u yeelnayna waxay tahay sidii loo horumarin lahaa bulshda, waxaana imika ku hawlanahay qaybta ugu hoosaysa, waxan rajaynaynaa wasaarada waxbarasha oo ku hawlan sidii loo horumarin lahaa inay hawshaas da’dajiso si qaybii kale xirfadaana loo bilaabo. Dunidana wadanba wadanka uu ka xirfadaha badan yahay ayuu ka wax soo saar badan yahay. Ugu danbayntii waxaan mahad naq u soo jeedinayaa hay’ada Oxfom Novi boo maalgalisay marshuucan"

Waxa isaguna halkaas ka hadashay maamulaha marshuucan xarunta horumarinta qoyska  wabarashada ee Havoyoco Kawsar Maxamuud Xasan waxa ay ka warantay xaruntan horumarinta goortii la aas aasay iyo wax yaabaha ay qabato hadaldeedana waxa kamid ahaa “Waxaan jecelahay inaan waxyar uun idiinka iftiimiyo marshuucan iyo waxqabdkiisa, horta waxa marshuuca Havoyoco ay  aas aasay 2002 waxana maal galisay hay’ada Oxfom Novib, hadaan hoos u soo daadago sababta loo aas aasay xaruntan horumarinta qoyska waxa weeyan sidii loo hour marin lahaa qoysaska danyarta ah oo la baro xirfado shaqo oo daboola baahiyaha bulashooda, xirfadaaha labrona waxa kamida cunto karinta, dawaarka maamulka iyo maaraynta xafiisyada, barbaarinta ubadka iyo nafaqo siintooda. Ardaydan maanta waxa ay ka kooban yihiin ardayda compurtka dhamaysatay 28, 16 dawaarka ah iyo 29 cunto karina”

Ugu danbayntii waxa xafladii shahaadooyin lagu gudoonsiiyay dhamaan ardaydii qalin jabisay iyada oo ay dhiganayeen xarunta horumarinta ee qoyska mudo laba sano ah iyo qaar dhiganayay mudo hal sano ah.