Hargeysa(Geeska)-Waxa shalay fagaaraha beerta xorriyadda Hargeysa lagu qabtay munaasibad balaadhan oo lagu xusay maalinta 6 April oo ah sannad guuradii 34aad ee ka soo wareegtay aasaaskii ururkii SNM ee 1981.
Xafladaas waxa ka qayb galay wasiirada duulista iyo hawada Maxamuud Xaashi Cabdi, maaliyadda Samsam Cabdi Aadan, marwada Madaxweynaha Aamina Sheekh Maxamed Jirde iyo qaar ka mid ah mujaahidiintii SNM. Waxase aan gebi ahaanba madasha ka muuqan hoggaamiyayaashii waaweynaa ee aasaasay ururka SNM kuwaas oo intooda badani ku sugan magaalada Hargeysa. Wasiirka duulista iyo hawada Maxamuud Xaashi Cabdi oo munaasibadaas ka hadlay ayaa ka waramay ururkii SNM “Waxa aynu Maanta joognaa Maalintii La Aas-aasay ururkii dhaq-dhaqaaqa wadaniyeed ee SNM ee dalkan Xoreeyay,waxa aynu joognaa Sanad Guuradiisii 34naad ee sababta u noqday in ay Qarankan somaliland yagleelaan,kaas oo Lasameeyay 6dii April 1981,Ururka SNM Xoriyad Dheer ayuu dalkan u soo maray waxaana aynu sheegi karnaa inuu Guulaystay Maantana yahay Qaranka aynu joogno Himilada uu lahaana Xaqiijiyay.” Wasiir Xaashi wuxuu intaas ku daray ”dawladii kaligii taliska ahayd ee cadaadiska iyo Xad gudubka umada kula kacday ayuu ka xoreeyay,SNM waxa ay badashay amnigoodana Xaqiijisay Colaadii Guunka Ahayd ee Geeskan Afrika Ragaadisay inagana ina dhextaalay wadankan itoobiya,Maanta colaad guun ah oo geeskan Africa dhextaal majirto somali iyo xabashi maanta waa walaalo, is bedelka dhumucdaas leh waxa sameeyay ururkii dhaq-dhaqaaqa Somaliyeed ee SNM.” Wasiirku waxa uu sheegay qaranimada Somaliland ee Maanta La hadhsanayo iyo calanka somaliland waxa uu ku imanayaa Sida uu cadeeyay Dhiigii Geesiyaasha somaliland,Nabadayntii umada iyo Walaalayntii Beelaha somaliland. “Tariikhda SNM waa tariikh aad u balaadhan una baahan in aynu caruurteen barno iskuuladana ku dhigno,Kuwa nool waxaanu u rajaynaynaa Cimri dheer iyo caafimaad kuwa dhintayna inuu ilaahay Godka u nuuro,Waxa aynu halkan ku soo gaadhnay dan guud Markii aynu iska tuurnay dan gaar ah ayaynu guusha gaadhnay,Hadafkii SNM waxa uu ahaa in aynu gumaysiga iska qaadno oo aynu qaran somaliland layidhaa abuurno,Halgankii SNM waxa uu ahaa 9Sano Waxan uu ahaa mid Guul u ah somaliland Qarankeedana u soowada hoyatay. Maxamuud Xaashi waxa uu soo jeediyay in Loo baahan yahay in Ladaryeelo Agoontii iyo Dumarkii ay Mujaahidiintu ka Tageen,isaga oo Soo jeediyay in Qaranka somaliland Mucaarid iyo Muxaafidba Gacanta la isku qabsado Sidii loowada wajihi lahaa Ubadkii Mujaahidiinta SNM.
Mujaahid Maxamed Cilmi Galaal oo ka Mid Ahaa mujaahidiintii waawaynad ee SNM Oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in tariikhda ururkani leeyahay kor looqaado siwayna looga xuso maalinta madaama oo sida uu cadeeyay qiimo balaadhan dalkan ugu fadhido kuna kunaf wayeen kuna ku barakaceen kuna ku aabo wayeen. Wasiirka Maaliyada somaliland Samsam Cabdi Aadan ayaa sheegtay in maalintani tahay Maalin Qiimo ugu fadhida shacabka somaliland kuna Turjumayso Siday ay Shacabku ugu soo baxeen. “Anigu markaan gaadhi hargaysa ku dhexwato is arko waxaan xasuustaa dadkii u dhintay suurto galiyayna in aynu nabada ku Naloono,Waxa markasta waajib inagu ah kuwa agoomaha in aynu Ogaano daryeelkood siinana mudnaan gaar ah oo aanay lahayn dadka kale,qarankani waxa uu ku faanayaa dadkii Dhaliyay Nabada cadawgana ka dhiciyay shacabka in ay maanta Badhkood joogaan.
Marwada Koobaan ee Qaranka somaliland Marwo Aamina Maxamuud Jirde (Aamina Waris)oo iyaduna munaasibada soo afmeertay Ayaa U mahad Fariin u dirtay Bulshada somaliland. “Waxaan hambalyo u dirayaa Shacabi waynaha somaliland Maalinta SNM awgeed una dabaal dagaysa Xuska Maalintan,Maanta waa maalin qiimo wayn inoo leh waa maalintii Gobanimadan iyo sharaftan aynu ku nool nahay lahantiyay,Mujaahidiinti wixii shahiiday iyo kuwa Curyaaminta Ah inoo galeen,Maanta waxa inala Gudboon Kuwii yaryaraa ee markaas Dhibtaas lasoo maray Aan dhex joogin in aynu dareen siino tariikhda dalkan loo soomaray. Waxaana Marwadu shacabka ku biirisay in maalintani tahay maalin qiimo iyo qaayo dalkan u leh,loona baahan yahay inuu qof waliba Xasuusnaado,Hambalyana waxa ay u dirtay Mujaahidiintii Iyo xaasaskooda inta nool iyo inta dhimatay iyo Shacabi waynaha Somaliland.