Hargeysa: Waddani Oo Guddoomiye-Xigeen Cusub U Magacaabay Gobalka Maroodi-Jeex

0
550

Hargeysa(Geeska)-Xoghayaha guud ee xisbiga Waddani Maxamed Cabdillaahi Uurcade, ayaa guddoomiye-xigeen cusub u magacaabay gobalka Maroodi-jeex.

Qoraal uu toddobaadkan soo saaray xoghayaha guud ee Waddani, wuxuu ku sheegay in  Cabdirisaaq Jibriil Maxamed (Garay Iid ) loo magacaabay gudoomiye ku xigeenka gobolka maroodi-jeex ee xisbiga wadani.

Carey Iid, wuxuu xoghayaha guud faray inuu si hufan u guto hawlihiisa shaqo islamarkaana uu dardargeliyo hawlaha xisbiga gobalka maroodi-jeex.