Hargeysa: Qiimaha Raashinka Quutal-daruuriga Ah Oo Kordhay Iyo Cidhiidhi Ka Jira Suuqyada Magaalada

0
675

Hargeysa (Geeska) – Qiimaha lagu iibiyo Raashinka Quutal-daruuriga ah ayaa wax iska beddeleen Maalmihii la soo dhaafay, ka dib markii Dalalka Dunida oo Somaliland ku jirtaa ay Dadkooda ku amreen inay guryahooda joogaan.

Dawladda Somaliland ayaa Toddobaadkan Dadweynaha u soo jeedisay inay yareeyaan Isku imaanshiyaha, waxaana la fasaxay Dugsiyada Waxbarashada, si looga gaashaanto Caabuqa Coronavirus, taasina waxay keentay in Dadweynuhuna ka tabaabulshaystaan oo ay suuqyada u galaan sidii ay kayd u dhigan lahaayeen, maaddaama oo wax kastaaba dhici karaan.

Illaa hadda waxyaabaha muhiimka ee Qiimahoodu isbeddelay waxa ka mid ah Sonkorta, Daqiiqda iyo Bariiska oo inta badan Shacabka reer Somaliland isticmaalaan, sida ay Geeska Afrika u xaqiijiyeen qaar ka mid ah Hawl-wadeennada Bakhaarrada iibiyo Raashinka oo uu booqday.

Sonkorta oo hore u ahayd 27 Dollar, ayaa hadda waxa ku kordhay 1 Dollar, waxaana Shalay lagu kala iibsanayey 28 Dollar.

Bariiska oo hore loogu iibin jiray 27 Dollar, ayaa waxa isaga ku kordhay 1 Dollar, waxaana la kala siisanayaa 28 Dollar.

Waxyaabaha kale ee Qiimahoodu kor u kacay waxa ka mid ah Daqiiqda oo hadda lagu iibinayo 25 dollar, halkii hore loogu iibin jiray 24 dollar.

Ganacsatada uu Geeska Afrika la kulmay waxay sheegeen in sababta ugu weyn ee Qiimaha Raashinku isku beddelay aanay ahayn sida Dadweynaha reer Somaliland u iibsanayaan Raashinka oo intii hore ka badan, balse ay jiraan Ganacsato u badan Itoobiyaan oo Raashin ka iibsanaya Dalka, sida Wajaale “Wajaale oo kale, Ma jirto Cid joojisay Raashinka laga saarayo..” ayuu yidhi, mid ka mid ah Bakhaarleydu, kaasi oo intaa ku daray inuu arkay nin Itoobiyaan ah oo Dhowr kun oo Tan oo Saliidda Cuntada ah ka raadinaya Hargeysa, arrimahaasina qayb ka yihiin korodhka ku yimid Qiimaha Ascaarta.

Dhinaca kale, Waxyaabaha Qiimahoodu is beddelay waxa mid ah Waxyaabaha Dhakhaatiiru ku talinayaan in Dadweynuhu u isticmaalaan ka hor-tagga Cudurka Coronavirus, sida Dareeraha loo yaqaano Dettol oo Gacmaha la marsado, ka dib marka la falaxasho, balse waxa Suuqa Hargeysa ka jirta Saxmad dhinaca wax iibsiga ah, waxaanad arkaysaa Dad Bakhaarrada ku buuqsan, kuwaasi oo alaabooyinka Raashinku ka mid yahay iibsanaya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here