Hargeysa Oo Xalay Munaasibad Loogu Sameeyay 20 Ginboot Oo Ah Maalintii AY Itoobiya Qabsatay

0
689

Picture3Hargeysa (Geeska) – Huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa, ayaa waxa xalay lagu qabtay Munaasibad balaadhan oo lagu xusayey sanad-guurada 22-aad ee 20-ka Ginbood  o sanad walba dalka Itoobiya laga xuso 28-ka bisha May ee taariikhda Miilaadiga.

Xuskan oo lagu waynaynayey 22 guurada ka soo wareegtay wakhtigii dalka Itoobiya laga xoreeyay dhargigii uu hogaamin jiray Mingiste Hailemariam oo shucuubta Itoobiya dhibaato ku qabeen, balse 22 sanadood ka hor uu xukunka qori caaradii kaga tuuray EPRDF oo hadda hogaamiya dalka Itoobiya, kaasi oo gaadhsiiyay horumar muuqda.

Munaasibada xalay lagu qabtay Magaalada Hargeysa, ayaa waxa ka qayb-galay safiirka dawladda Itoobiya u fadhiya Somaliland, Brig. General Berhe Tesfaye  Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), Wasiirro, xildhibaano, saraakiisha ciidamada kala duwan ee Somaliland, jaaliyadda Itoobiya ee Somaliland deggan, ganacsato iyo marti-sharaf kale oo aad u badnaa.

Safiirka Itoobiya u fadhiya Somaliland Brig. General Berhe Tesfaye oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay, ayaa faahfaahiyey muhiimada ay Maalintani shucuubta reer Itoobiya ugu fadhido, waxaanu tilmaamay in 22 sanadood ka hor shacabka reer Itoobiya ka xoroobeen dhargigii Mingiste Hailemariam, waxaanu sheegay in 22-kaa sanadood ay shacabka Itoobiya ay horumar balaadhan gaadheen “Waxa la xusi karo waxa weeyaan in taliskii Macangaga ahaa cudud midaysan lagaga tuuray, waxaana munaasibadan aynu u dabaal-degayno u soo halaagmay boqollaal halyeyo ahaa oo dhiigooda qiimaha leh u soo daadiyey”

Dhanka kale, safiirku waxa uu amaanay xidhiidhka wallaalnimo ee Somaliland iyo Itoobiya, waxaanu sheegay inuu meeshii ugu wanaagsanayd marayo isla-markaana Somaliland dhibaatada gaadhaa tahay mid gaadhay Itoobiya, diyaarna u yihiin inay Somaliland dhibaatada ka eegaan “Xidhiidhka Wallaalnimada ah ee Shacabka Somaliland iyo Itoobiya wuxuu noqon doonaa mid waara” ayuu yidhi Safiirka Itoobiya u fadhiya Somaliland isaga oo intaasi ku daray “Haddii aynu ka eegno dhinaca diblumaasiyada xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya ka dhexeeya maaha diblamaasiyadii ku salaysnayd beenta, labada dal xidhiidhka ka dhexeeyaa waa mid xaqiiqo ku salaysan, labada shacabna way og-yihiin”

Safiirka Itoobiya, waxa kale oo uu sheegay “Xidhiidhka nabadgalyo ee ka dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya, adduun-waynaha kama qarsoona, taasina waxay ka turjumaysaa haddii Somaliland dhib soo gaadho Itoobiya ayay soo gaadhay”

Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan oo isna halkaasi ka hadlay ayaa Hambalyo u diray shacabka reer Itoobiya xuska 22 guurada 20-ka Ginboot ee Itoobiya xustay shalay.

Wasiirka Madaxtooyadda waxa kale oo uu ka hadlay xidhiidhka Itoobiya iyo Somaliland, waxaanu hambalyo u diray raysal-wasaaraha Itoobiya oo uu sheegay inuu dhawaan caddeeyay taageerada iyo hiilka Dawladda Itoobiya la garab taagan tahay Somaliland.

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo isna halkaasi ka hadlay ayaa hambalyo u diray shacabka reer Itoobiya xuska 22 guurada ee Ginboot, isaga oo sidoo kalena amaanay xidhiidhka labada dhinac.

Ugu danbayn, xuskan oo uu garab socday xuska sanad guurada 2-aad ee ka soo wareegtay wakhtigii la bilaabay biyo xidhka Abay ee dalka Itoobiya, ayaa waxa gacansato reer Somaliland lagu guddoonsiiyay shahaado sharafyo, halka iyaguna ay kudhawaqeen lacago ay kaga qayb-qaadanayaan biyo xidhkaasi.