Dawladda Hoose Ee Hargeysa Iyo Wasaarada Daakhiliga Oo Isku Khilaafsan Qaadashada Taysarada

0
701

Picture2Hargeysa(Geeska)- Wasiirka arimaha gudaha Md.Maxamed Nuur Caraale (Duur ), ayaa meesha ka saaray in ardayda fasalda afaraad ee dugsiga sare iyo jaamacadaha lagu qasbi doono taysarooyinka dawlada hoose, waxaanu sheegay inay bilaabi doonaan hawlgal muwaadiniinta qoonsiyadooda lagu siinaayo ayna wakhti qaadan doonto cidna inta ka horaysa qaadashadiisa aan lagu qasbi karin.

Halka maayar ku xigeenka dawlada hoose e Hargeysa hana ku simaha maayarka Md.Cabdicasiis Maxamed Xaashi, uu ka  sheegay inay sameeyeen taysarooyinkii isla markaasna ay ku xidhnaan doonaan imtaxaanada fasalka afaraad iyo jaamacadaha oo uu codsi u jeediyay.

Ugu horayntii maayar ku xigeenka oo taysaradaas ka hadlayaa waxa uu yidhi “ Maadaama oo aanu ku jirno dakhi ururin iyo olole cashuureed  waxaanu soo saarnay wareegtooyin faro badan, waxaanu ka dawlad hoose ahaan soo saarnay taysaradii, waxa jira waxyaabo badan oo ku xidhan oo imtaxaanka ardayda galaaska afaraad ah la’aantii ma fadhiistaan,jaamacadaha dawlada iyo kuwa gaarka loo mleeyahayba waxaanu ka codsanaynaa iyagana inay kaadhka dhalashada ardayda ku xidhaan,waxa dhici doonta hudheelada la seexdo in aanu qofku hudheel kaliyaata seexan hadaanu qofku kaadhka dhalashada  sidan ha noqdo mid Hargeysa ah hanoqdo mid Berbera ah,Burco ama gobalada kaliba, waxaanu ka codsanaynaa qolyaha hudheelada in wakhtigaas aanu shaacinay ay sameeyaan.”

Intaas ka dib wasiirka arimaha gudaha Duur oo laanta afka Somaliga ee BBC-du ay waydiisay arinkaas ayaa meeesha ka saaray “Marshuuca aan wadanaa waa diiwaangalintii in dadka oo dhan ay wad haystaan aqoonsigii taasina wakhti dheer ayay qaadnaysaa wax maanta arday imtaxaan galaysa lagu xidhaayana maaha, hawlgal balaadhan oo dhawr sanadood qaadna kara weeye ka ay wasaaradu wado, kan kale ee dawlada hoose aqoonsiga ay baxinaysana waxaan filayaa in qofkii rabaa uu qaadna karo, kan kale ee arday waxbaa lagu xidhaynaa ma jirto.”