Hargeysa: Laba Wiil Oo Siyaasadda Isku Qabtay Oo Midkood La Toogtay

23
2617

Hargeysa(Geeska)-Laba wiil oo dhallinyaro ah oo reer Hargeysa ah ayaa ka dib markii ay isku qabteen xiisadaha siyaasadeed ee dalka ka jira, waxay isu adeegsadeen rasaas sababtay dhaawac. Sidaas waxa xaqiijiyay wasiirka madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi oo shalay dad rabshadaha doorashada ku dhaawacmay ku booqday cisbitaalka Hargeysa.
Labada wiil, ayaa sida ay wararku sheegeen waxay isku af dhaafeen xaaladda siyaasadeed ee doorashada ka dhalatay, waxaana mid ka mid ah uu markii dambe soo qaatay qori isagoo rasaas la beegsaday wiilkii ay murmeen oo isna la sheegay inuu marka hore bud ku dhuftay. Wasiir Xaashi oo ka hadlaya arrintan wuxuu yidhi “Hal qof oo rayid ah oo nin dhalinyaro ah oo aannu ku soo booqnay cisbitaalka qaybta adeega deg-dega ah, waxa dhaawacay wiil dhalinyaro ah oo ay arrimaha siyaasada isku qabteen, laba taageere ayey ahaayeen oo laba xisbi ah, dagaal iyo muran ayaa dhex maray, midkii kale ayaa toogtay oo isna waa xidhan yahay.”
Geesta kale wuxuu wasiirku sheegay in rabshadihii ka dhacay Burco iyo Hargeysa ay ku dhaawacmeen 18 askari oo mid ka mid ah laga soo toogtay guri, waxaanu yidhi “ 18 askari waxa lagu dhaawacay dhagxaan, waxa jira hal askari oo xabad lagu dhaawacay oo aqal laga soo toogtay oo adinka ay xabadaasi kaga dhacday, dhammaan askartaasi way ladan yihiin, waxa kale oo dhaawac ah sagaal qof oo rayid ah kuwaas oo sideed ka mid ahi ay ku dhaawacmeen rabshadaas ay ciidamada amniga iskaga hor imaadeen.”
Geesta kale waxa isna cisbitaalka international ee Hargeysa yaala wiil 13 jir ah oo ay xabadi dhabarka kaga dhacday rabshadihii Burco, kaas oo ay xabadiia dhabarka fadhido. Waxa warkan xaqiijiyay guddoomiyaha ku meelgaadhka ah ee xisbiga Waddani Cabdiqaadir Jirde oo ay isaga iyo murashaxa madaxweyne ee Waddani md. Cabdiraxmaan-cirro xalay cisbitaalka ku booqdeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here