Hargeysa: Dr. Yaasiin Carab Oo Cisbitaalka Hargeysa Ku Dhaliilay Inaanu Lahayn Nidaam Maamul

0
500

Hargeysa (Geeska) – Agaasimihii hore ee Cisbitaalka guud ee Magaalada Hargeysa Dr. Yaasiin Carab  ayaa Sabtidii Shalay Xilka ku wareejiyey Agaasimaha cusub oo xilkaa loo soo Magacaabay, Dr. Axmed Askar.

Munaasibad loo qabtay xil-wareejinta ayaa waxa hadallo ka soo jeediyey Dr. Yaasiin Carab oo 13-kii bilood ee u dambeeyay ahaa Agaasimaha Cisbitaalka guud ee Hargeysa, Dr. Axmed Askar oo la wareegay xilka Agaasimaha guud ee Cisbitaalka iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye.

Agaasimaha xilka wareejiyey oo ugu horrayn halkaa ka hadlay ayaa sheegay in 13 bilood markii uu xilka la wareegay aanu la wareegin wax muuqda oo Nidaam ah, wixii uu sameeyayna aanay weli ansixin Hay’adihii ay khusaysey, taasina keentay in nidaamka Maamul ee Cisbitaalku uu sax noqon waayo “Maalintii aan qabanayey Xilka oo sannad iyo bil ahayd, waxaan sheegay inaynu dhaqan u leenahay koobka inta madhan inaynu eegno, marna inaan la eegin koobka inta buuxda, Koobku siduu buu u madhan yahay, Dr. Axmed-na wuu ka madhnaan doonaa intaa ka maqani.” Ayuu yidhi, Dr. Yaasiin Carab, waxaanu intaa ku daray “Maanta waxaynu ogaanay in Dawladihii waaweynaa ku fashilmeen Nidaamkoodii Caafimaad, sidaasi darteed waxa innagu waajib ah inaynu inta buuxdana Xoojino, inta madhana inta aynu u ab-tirino aynu Qunyar u buuxino, laakiin haddaynu mar walba waxa dhiman eegno inoo buuxsami maayo.”

Dr. Yaasiin Carab waxa kale oo uu sheegay in Cisbitaalku aanu lahayn Sharci kala haga Maamulkiisa “Dr. Axmed Askar baan kala wareegay oo wakaa jooga, wax barnaamij ah oo sax ah oo Cisbitaalka yaallay lamaan wareegin, kii aan sameeyayna ma ansaxsana oo Hay’adihii shaqada ku lahaa may ansixin, taasi waxay samaynaysaa Kala dambayntii Maamul ee Nidaamka ahayd in aanay weli saani u dhisnayn..” ayuu yidhi, waxaanu intaa u daray “Sharciga la isku maamulo ee Cisbitaalka yaalla ee Agaasimaha xaq u siinaya inuu ku maamulo shaqaalaha inta kale, gaar ahaana Maamulka la shaqaynaya, ma jiro Sharci Qoran oo Agaasimuhu awood u leeyahay inuu kaga qaadi karo (Tallaabo) Qof Maamul ah, in aan Inan kalkaaliso ah, Dhakhtar yar ama Nadiifiso meel joogta eryado mooyaane, ma jiro Sharci qeexaya oo xoog siinaya, haddaanu sharcigaasi jirina waxba hagaagi maayaan.”

Dr. Yaasiin wuxuu sheegay inuu jiray Ballan adag oo isaga iyo Madaxweynaha u dhexeeyay “Waxa jiray ballan aad u adkaa oo Madaxweynaha naga dhexeeyay, kaas oo aanan haynin halkii ballankii ku burburay, markaa Warqaddaydan furan waxaan leeyahay Madaxweyne ballan baa innaga dhexeeyay’e waxa ballankeenii burburiyey ii soo sheeg…”

Agaasimaha cusub ee xilka la wareegay, Dr. Axmed Askar oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa meesha ka saaray inuu jiro wax khilaaf ah oo labadooda u dhexeeya “Dr. Yaasiin Carab wakhtiyo Cisbitaalku uu sidan ka adkaa ayuu u dhabar-adaygay oo uu hayey, Yaasiin hore ayaanu u wada shaqaynay, waxaanu ahayn Rag Saaxiib ah oo aanay wax dhibaato ahi dhexdooda oolin iyo wax cuqdad ah..” ayuu yidhi.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye oo xilka u kala wareejiyey, ayaa gebogabadii sheegay “Dr. Yaasiin Carab, muddadii sannadka iyo bisha ahayd ee uu Cisbitaalka ka shaqaynayey..” ayuu yidhi.

Agaasimaha xilka wareejiyey ayaa Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu xilka ka qaaday Toddobaadkii hore.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here