Hargeysa: Booliska Oo Gacanta Ku Dhigay 960 Litir Oo Khamriya

0
544

Picture5Hargeysa(Geeska)-Ciidamada Booliska Somaliland ayaa shalay gacanta ku soo dhigay khamri tiro badan oo la soo gelinayay magaalada Hargeysa.

Taliyaha Booliska Sareeye guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan, ayaa saxaafadda u xaqiijiyay inay ciidamada Boolisku shalay duleedka magaalada Hargeysa ku qabteen 960 litir oo khamri ah oo la soo gelinayay magaalada Hargeysa, ka dib markii ay maalmo ka hor heleen xogta khamrigaas tirada badan ee la soo gelinayay magaalada Hargeysa.

Waxa kale oo ay Boolisku qabteen baabuur Zuzuki ah oo siday khamrigaas iyo dadkii watayba, waxaanu taliyuhu sheegay in la horgayn doono sharciga.

Khamriga iyo maandooriyayaasha kale ayaa qayb weyn ka qaata dambiyada kala duwan, laakiin Booliska ayaa hawl gal adag ku haya la dagaalanka maandooriyaha, ka dib markii uu taliyaha Booliska sareeye guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan hore u balan qaaday inuu si adag ula dagaalami doono guud ahaan maandooriyaha.