Hargeysa: Beesha Arab Oo Hadhimo Sharafeed U Samaysay Garaad Jaamac

0
780

hadhimoHargeysa(Geeska)-Beesha Arab ayaa shalay hadhimo sharafeed ugu samaysay magaalada Hargeysa Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo toddobaadkii hore dalka ku soo noqday, waxaana ka qayb galay qado sharaftaas masuuliyiin kala duwan.

Hadhimo sharafeedka waxa laga jeediyay khudbado koob-kooban, waxaana Suldaan Barre Xaaji Xuseen Caraale oo halkaas ka hadlay uu soo dhaweeyay Garaad Jaamac, “Waxaan soo dhawaynayaa garaadka, oo aan ku soo dhawaynayaa farxad, waxaanan leeyahay waa gurigaagii ee ma tihid marti.” Ayuu yidhi Suldaan Barre.

Waxa isna halkaas ka hadlay guddoomiyaha hay’adda abaabul ka saarka qaranka Md. Jamaal Caydiid Ibrahim, oo ka hadlay taariikhda iyo xidhiidhka soo jireen ee u dhexeeya Beesha garaadka iyo Beesha Arab. Siyaasiga Cabdillaahi Cabdi Xaaji Cumar (Jawaan) oo isna halkaas ka hadlay ayaa wuxuu ka waramay taariikhihii wax wada qabsi ee labada beelood iyo meelaha ay iskaga xidhanyihiin.

Siyaasiga Fu’aad Aaden Cade ayaa isna halkaas ka jeediyay khudbad kaftan u badnayd, waxaanu ka mahadceliyay hadhimo sharafeedka soo dhawaynta ah ee garaadka loo sameeyay.

Ugu dambayn waxa munaasibadda ka hadlay Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo beesha uga mahadceliyay soo dhawaynta loo sameeyay, “Waxaan ka mahadcelinayaa soo dhawaynta sharafta leh ee ay Beesha awoowyaashay ahi ii samaysay, waana soo dhawayn ay gobanimo ka muuqato, markii horena soo dhawayntaydii Hargeysa waxay ka ahaayeen qayb.” Ayuu yidhi Garaad Jaamac.