Hargaysa waa magaalo weyn oo camiran, marka loo eego deegaanada ay Soomaalidu dagto, magaaladan oo lagu qiyaaso inay ku nool yahiin nusmalyuun qof ayaa ah mid adeegyada aasaaasiga ah ay yahin kuwo liita.
waxa ay markiiba indhahaagu qabanayaan in dhismayaasha,gaadiidka noocyadiisa kala duwan iyo waxyaabo kale badan ay sii tiro badanayaan, balse waxa si cad ugu muuqanaaya qof kasta oo magaaladan isa soo dhextaaga in loo ilaabay dantii guud iyo waxyaabhii ka dhaxeeyay dadka dhulkan ilaahay ku uumay.
Wax ay indhahaagu qabanayaan sar dheer oo aad loo qurxiyay oo wadada hormartaa ay aad burbursantahay oo aan haysan biyo ku filan, cibitaalka guud ee magaaldu waa mid adeegyadiisa caafimaad iyo nadaafadiisuba ay aad u liitaan, indhahaagu waxay qabnayaan qashinka oo meelwalba tuulan dadkuna aanu dareensanayn.
Magaaladan Hargaysa ayaa ah mid dhismaysay tan iyo intii ay Somaliland ku dhawaaqday inay dib ula soo noqotay dawladnimadii ka luntay, waxaanay dadku si tartiibtartiiba ah u bilaabeen inay dhistaan ama horumariyaan waxyaabhii gaarka loo lahaa.
Axmed Cabdi oo ah muwaadin dhalsho ahaan ka soo jeeda Somaliland kana yimi wadamda qurbaha isla markaasana booqasho qaadatay mudo bil ah ku joogay magaaladda Hargaysa, oo aan xooga kawada sheekaysanay bal sida uu u arko magaalada Hargaysa, ayaa hadalkiisa ku bilaabay sidan “ Waa wax la’la yaabo iyo foolxumo in caasimadii dalku ay sidan u noqoto mid u bilaa wadooyin ah, aan haysan biyo ku filan,qashinkuna uu tuulanyahay wadooyinka hareerahooda, dadkuna aanu dareensanayn waaqacan horyaala..”
Axmed hadalkiisa intaas uun kuma joojin ee waxa uu ku daray talo uu u arkaayay in ay Hargaysi kula tartami karto caasimada kale ee Afrika “ Magaaladan maaha magaalo oo kaliyaata, waxay muraayad u tahay guud ahaan magaalooyinka Somaliland, markaas waa in dadku uu isku tashadaa, sida uu isugu tashaday inuu ku samaysto haykal dawladnimo, waxa muhiima in dadku ku baraarigaan ka shaqaynta waxyaabaha lawada leeyahay si loo helo magaalo bilicsan, maaha in dawlada uun wax lagu haleeyo, waa in bulshado fikarkeeda wax ka badashaa oo aanay ku qanacsanan uun inay nabad haystaan.” Axmed Cabdi waxa uu hadalkiisa ku soo gunaanaday “Waliba waxa aad muhiim u sii ah marka laga hadlaayo wadooyinka in goobaha ganacsiga iyo xaafadahu ay iksu abaabulaan sidii ay u hagaajin lahaayeen wadooyinka hormara, inay wax la qabtaana ugu dalban lahaayeen dawlada hoose, maaha wax sahlan inay Hargaysi yeelato wadooyin dhisan oo quruxbadan, balse waa himilo wakhti dhaw la xaqiijin karo hadii dadku fadhiga bilaa xisaabta ah ay ka kacaan.”
Axmed oo kaliyaata sidan ma aaminsana balse inta badan dadka wadanka kaga soo guryonoqda dhanka qurbahu waxay magaaldan ku dhaliilaan in dadkeenu uu dayacay oo aan wali si sax ah looga fikirin maxay magaaladan u baahntahay iyo waxay kaga hoosayso magaalooyinka kale ee caasimadaha u ah dalalka Afrika.
Muhiimadu waxay tahay in dadku ay helaan baraarug fiican, qof kastaana uu ka fikiro waxa uu isagu dalkiisan hooyo u qabnkaro, balse aanu isku hawlin in isaga uun wax loo qabto, mana’sahlana in muuqa ina horyaala wax si dhaqso badan looga qabto, balse hadii bulshadu ay baraarugto oo ay aragto xaal sida uu ku yahay, si xawli badana loo shaqeeyo waa la asturi kartaa ceebahaas ka muuqda korkeena.