Hambalyo Sareeye Gaas Taliye Cabdilaahi Fadal

3
1961

Xasan Yuusuf Cismaan (Gumburaawi)

Marka ugu horeysa Illaahay baa mahad leh oo ku sugnaatay. Intaas ka dib aan marka hore hambalyo iyo bogaadin u diro taliyaha guud ee ciidanka booliska jamhuuriyada somaliland sareeye guuto Cabdilahi fadal Iimmaan oo madaxwaynaha jamhuuriyada somaliland Md Axmed Maxamed Maxamud (Siilaanyo)  u dalacsiiyay derejada sareeye gaas (Major General) ka dib markii uu ciidanka booliska somaliland gaadhsiiyay horumar la taaban karo oo horumar leh.

Taliyaha ciidanka booliska somaliland Cabdilahi fadal Iimmaan mudadii uu ciidanka booliska somaliland gacanta ku hayay wuxuu la yimid hogaamin fiican oo hufnaan leh aadna u saraysa isla markaana ay ka muuqato aqoonta durugsan ee uu u leeyahay maamulka ciidanka booliska isagoo ka shiidaal qadanaya mudadii dheerayd iyo sooyaalkii kala gedisnaaa ee ciidanka booliska somaliland.

Sareeeye gaas Fadal intii uu hogaaminayay ciidanka booliska waxa uu la yimid hogaamin tolmoon oo hogaamin cadaalad iyo waayo aragnimo xambaarsan.

waxaanay taasi ciidanka kuwo ku tanaaday hogaaminta sareeye gaas Cabdilahi fadal Iimmaan.

Gobonimadu waxay ku jirtaa inaynu isku hanayno dhiirigelino madaxdeena wax qabadka ku suntan.

taasina waxay inoo horseedaysaa qaran wanaagsan oo inoo taabo gala. runtii hadaad eegto ciidanka booliska somaliland waa ciidan dhamaystiran qalab ahaan dhaqan ahaan iyo gadiid ahaan ba. horumarka baaxadaa leh iyo hal abuurnimadaa waxa iska leh oo taariikhdu xusi doontaa sareeye gaas Cabdilahi fadal Iimaan 31,kii bishii March 2012,kii ayaa madaxwayne Axmed Maxamed Maxamud siilaanyo u magacaabay inuu noqdo taliya ciidanka booliska jamhuuriyada somaliland isagoo mudo dheer ahaa taliyaha hawlgelinta ciidanka booliska Somaliland Sareeye gaas Cabdilahi fadal Iimmaan wuxuu ciidanka gacanta ku hayay mudo lix sano ah. mudadaas uu ciidanka booliska gacanta ku hayayna wuxuu gaadhsiisay heer aanay hore u gaadhin ciidanka booliska Somaliland Sareeye gaas Cabdilahi fadal Iimmaan waxaan ku hambalyaynayaa dalacsiinta uu mar kale madaxwayne siilaanyo derejada u dalacsiiyay taas oo ku timid hufnaanta iyo daacadnimada iyo kartida hogaamineed ee Sareeye gaas Cabdilahi Fadal Iimmaan

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here