Hambalyo Ku Socota Gudoomiye-xigeenka Hay’ada Shaqaalah

0
891

Haddii aanu nahay Dhalinyarada Degmada Axmed Dhagax ee magaalada Hargeys iyo sidoo kale gobalka Hawd, waxaanu hambalyo iyo bogaadin u diraynaa Gudoomiye ku xigeenka hay’adda shaqaalaha dawladda Maxamuud Cabdilaahi Xarbi,oo aanu u aragno shakhsi karti badan, isla markaana ka soo bixi kara hawsha loo igmaday.

1

Maxamuud Cabdillaahi Xarbi oo ay golaha wakiiladu toddobaadkii hore ku ansixiyeen codkii ugu badnaa, waxaanu magacaabistiisa ku bogaadinaynaa Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo.

Waxaanu u aragnaa in Madaxweyne Siilaanyo asiibay jagadaa uu u magacaabay Guddoomiye ku xigeenka oo uu yahay masuul ka soo bixi kara jagadaa loo magacaabay.