Halyeeyga Reer Falastiin Ee Hurdada U Diiday Sirdoonka Israil

0
1129

Picture5Tel Aviv (Geeska)- Marwaan Cabdalkariim Ciisa oo lagu naanayso Abu Baraa’ waa hoggaamiye milateri oo Falastiini ah, sannadkii 1965kii ayaa uu ku dhashay Marinka Qaza, muddo shan sano ah waxa uu ku jiray xabsiyada Israa’iil, afar sano oo kalana waxa uu u xidhnaa maamul hoosaadka Falastiiniyiinta ee ururka Fatax hoggaamiyo, kadib markii loo arkay in uu khatar ku yahay heshiiska Israa’iil kula jirto Fatax, sannadkii 2006dana waxa uu dirqi kaga badbaaday isku day dil oo Israa’iil la beegsatay, imikana waxa uu kaalinta koowaad kaga jiraa liiska dadka ay Israa’iil geeri iyo nolol mid uun raadinayso. Marwaan Ciise, oo si faseex ah ugu hadla afka Yuhuudda ee Cibriga (Hebrew) loo yaqaannaa muddo dheer ayaa uu ka tirsanaa garabka hubaysan ee ururka Xamaas oo loo yaqaanno Guutooyinka Qassaam, waxa uu ahaa taliye ku xigeenka iyo taliyaha farac kamaandoos ah oo ka tirsan Qassaam, sannadkii 2012ka markii ay Israel khaarajisay taliyihii Qassaam ayaa Marwaan Ciise loo magacaabay taliyaha guud ee ciidamada Xamaas.

Marwaan Ciise waxa uu hoggaaminayey hawlgalkii ay Xamaas ku af-duubtay askarigii Yuhuudiga ahaa ee Jelcaad Shaliid oo markii dambe lagu sii daayey heshiis maxaabiis is-dhaafsi ah, sarkaalkan oo ay warbaahinta Israa’iil ku tilmaamto in uu yahay masuulka ugu khatarsan kooxaha wax-iska-caabbinta kuna tilmaameen nin ku dhiirran in uu xabbad nool ku dhufto cadowgiisa ayaa laa aaminsan yahay in uu isagu lahaa fikirka lagu aas-aasay ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Kamaandoosta Qassaam, sidoo kale waxa uu abuuray, ciidamo dhinaca badda ah oo si gaar ah u tababaran, kuwaas oo dagaalkan hadda socda wacdaro ka geystay, dad badanina waxa ay aaminsan yihiin in uu yahay xadhiga isku xidha Xamaas iyo dalal badan oo dibadda ah oo xidhiidhka ay la’ leeyihiin awgii Xamaas ka caawiya dhinaca milateriga, waxaana ka mid ah Iiraan.

Marwaan Ciise sawirka keliya ee laga hayaa waa mid laga qaaday muddo 16 sano ka hor ah, tan iyo sannadkii 2002dana meel fagaare ah laguma arag, warbaahintuna sawirkiisa ma’ay helin, sidoo kale codkiisa lama maqal, magaciisana aad looguma sheego hawlgallada Xamaas fuliso iyo guulaha ay gaadheen labadaba. Laakiin haddana waa taliyaha dhabta ah, isla markaana ah abaan-duule dhiirran oo ciidamada faranta hore hoggaamiya, dadka yaqaannaa waxa ay sheegaan in ay adag tahay in Marwaan Ciise uu hal saac wax ka badan goob keliya joogo, gacan-yarayaashiisa si aad u heer sarraysa ayaa uu u soo xushaa, cidda uu la xidhiidhayaana waa ay u caddahay.

Xeel-dheerayaasha arrimaha milateriga ka faalloodaa marka ay xusayaan guusha milateri ee ay ciidamada Qasaam ku gaadhay hoggaaminta Marwaan sababteeda waxa ay si kooban tusaale ugu soo qaataan, dagaalkii ay Israa’iil ku qaaday Qaza sannadkii 2009kii oo 5 askari oo keliyi ay Yuhuudda kaga dhinteen iyo kii sannadkii 2012ka oo iyadana ay Israa’iil 8 askari ku wayday, markaasay barbar dhigaan kan hadda 2014 socda oo ku soo beegmay xilli uu Marwaan ciidanka Xamaas hoggaaminayo, illaa haddana ay Israa’iil qirsan tahay in laga dilay 64 askari. Sidoo kale muddadii uu taliyaha u ahaa, garabka hubaysan ee Xamaas waxa uu ku guulaysatay markii ugu horreysay taariikhda in uu gantaallo la dhaco gudaha magaalada Tel Aviv ee caasimadda Israa’iil taas oo gaadhay illaa xad gegidii diyaaradaha la xidho, sidoo kale waxa uu dagaalkani kuwii hore kaga duwan yahay ciidamo gaar u tababaran oo lagu magacaabo Kamaandoosta Qasaam oo si joogto ah u daba-marteeya ciidamada safka hore ee Israa’iil hawlgallo waaweyn oo khasaare u geysta Yuhuuddana ka soo fuliya gudaha hore.

Idaacad ay leeyihiin ciidamada Israa’ill ayaa toddobaadkii hore baahisay warbixin ay kaga hadlayso Marwaan Ciise, waxa aanay taliyahan ku tilmaamtay in uu yahay, “Janaraalka Kamaandoosta Qassaam” warbixintaas waxaa lagu yidhi, “Taliyaha Kamaandoosta Qassaam Marwaan Ciisaa oo isla markaana ah hoggaamiyaha ciidamada loo yaqaanno Cutubyada Qasaam waa nin aaminsan in ciidamada sida gaarka ah loo tababaraa ay kaalin muhiim ah ku leeyihiin dagaalka, waayo waxa uu garanayaa in nooca dagaal ee ay ciidamadani galaan uu khasaare ba’an gaadhsiiyo ciidamada ka soo horjeeda, iyo in ciidamadan Kamaandoosta ah ee ka tirsan Qassaam ay niyad jab iyo cabsi ku ridayaan ciidamada Israa’iil korna u qaadayaan niyadda Falastiiniyiinta”

Idaacaddu waxa ay sheegtay in Ururka Xamaas uu dagaalkiisa doorkan xoogga ku saaray in uu weerarro gaar ah ka fuliyo dhabarka dambe ee ciidamada ka soo horjeeda (Israa’iil), sida ay dadka arrimaha milateriga u dhuun daloolaa sheegayaanna fikirkan ah in Xamaas ay ciidamo Kamaandoos ah u dirto, in ay daba-ka-weydaartan ciidamada Israa’iil oo ay dhabarkooda hawlgallo ka soo fuliyaan waxaa iska leh Marwaan Ciise oo taliyaha guud ee ciidamada Xamaas noqday markii uu dhintay taliyahoodii hore.

Sirdoonka Israa’iil waxa uu aaminsan yahay in Marwaan Ciisa oo muuqiisa marar dhif ah uun la arkaa uu yahay hoggaamiyeyaasha nooca jecel in ay daaha dabadiisa arrimaha ka maamulaan oo aanay ka dhex muuqan talada ay soo go’aamiyaan. Sida ay dhowaan faafiyeen sirdoonka Milateriga Israa’iil Marwaan Ciisa waxa uu ahaa ninkii iska lahaa fikirka lagu dhisay ciidamadan sida-gaarka ah u tababaran ee ka tirsan garabka hubaysan ee Xamaas, isaga ayaa si shakhsi ah uga masuul ahaa soo xulista iyo tababarka askarta ciidamadan kamaandoosta ah laga dhigayo. Ciimadan gaarka ahi waxa ay waqtigooda oo dhan ku qaataan tababarro lagu barayo fulinta hawlgallada gaarka ah iyo iska caabbinta ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Israa’iil ee isku daya in ay gudaha u soo galaan Qaza.

Sarkaal ka tirsan ciidamada Israaliil ayaa idaacadda u sheegay in hawlgallada uu qorsheeyo Marwaan ay yihiin kuwo aad u sarreeya oo u suurtogeliya in uu ku guulaysto in uu Israa’iil askar ka soo af-duubo iyo in uu dhabar jebiyo ciidamada Israa’iil ee dagaalka ay iskaga soo horjeedaan Maleeshiyooyinka wax-iska-caabbinta ee Falastiin.

Sarkaalkani waxa uu caddeeyey in dhammaan hay’adaha sirdoonka Israa’iil ku daba jiraan sidii ay u dili lahaayeen ama nolosha ugu soo qaban lahaayeen sarkaalkan oo lagu tilmaamo in uu cabsi ku hayo qoys kasta oo Yuhuud ah oo deggen gudaha Israa’iil, isla markaana hurdada u diiday hay’adaha ammaanka ee Yuhuudda, waxaana hadallada uu sarkaalkani waraysigiisa ku soo xidhay ka mid ahaa, “Ruuxan daahsoon waxaa ka daba shaqaynaya 3 ka mid ah hayadaha sirdoonka ee Israa’iil, kuwaas oo uu hurdada u diiday; waayo waxa ay aaminsan yihiin in ragga noocan ah ay adag tahay in laga dhex sooco cidda ku hareeraysan iyo in iyaga oo dagan la qabto, sidoo kale hay’adahan sirdoonka Israa’iil waxa ay garanayaan jiilka uu Marwaan Ciise ka dhex abuuray ciidamada Qasaam in ay yihiin xul, awood u leh in ay gaadhaan dabinnada geerida ee ay ciidamadeenna u xidhayaan. Sidaa awgeed waxa innagu waajib ah in aynu feejignaano”